| | 5 views

War Deg Deg Ah:R/Wasaaraha Soomaaliya Oo Goordhow Gaaray Magaalada Cadaado

Ra’isal wasaaraha Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa goor dhow gaarey magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud Halkaas uu ka soconayo Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Ra’isal wasaaraha iyo wafdiga uu horkacayo waxaa Airport ka magaalada Cadaado kusoo dhaweeyey Madaxda Maamulka Ximan iyo Xeeb, Musharixiinta Maamulka Mudug iyo Galgaduud, Qeybo kamid Ergooyinka shirka iyo Kooxda Galmudug Star oo halkaas ku sugan.

Ra’isal wasaaraha ayaana ku wajahan Xarunta Shirka uu ka dhacaayo Si uu u Furo Wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Shirka oo ey ka qeyb galayaan 300 oo Ergo ayaa lagu wadaa in lagu ansixiyo Dastuurka Maamulka Gobolada Dhexe iyo Doorashada Xaruunta Maamulka.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=12282

Posted by on May 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented