| | 5 views

Faa-faahin Ka Soo Baxeysa Qaraxee Saakay Ka Degmada Shibis

Iyadoo Saakay Weerar ku biloowday Qarax Ismiidaamin ah lagu Weeraray Iskuul Shibis oo ku yaala isla Degmada Shibis kadibna uu Xigay Weerar Toos ah ayaa waxaa Faah-faahin ka bixiyay Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Weerarkaasi ay Fashiliyeen Laamaha Amaanka Soomaaliya islamarkaana Al-shabaab ay damacsanaayeen in ay laayaan Arday Soomaaliyeed oo wax ka barata Dugsiga Hoose dhexe ee Shibis.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Gaari Bus-ah uu ku qarxay Meel banaanka ka ah Iskuulka islamarkaana Rag ka tirsan Shabaab oo doonayay in ay Xarunta Gudaha u galaan la toogtay.

Iskuulka Weerarka lagu qaaday oo lagu Magacaabo Iskuul Shibis ayaa Warar Madax banaan ay sheegayaan in lagu Tababaro Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya.

Wali Wasaaradda Amniga Faah-Faahin dheeri ah kama bixin oo ku aadan Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarka.

 

 

 

 

 

 

 

 

Fafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

 

 

 

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=13674

Posted by on Jun 21 2015. Filed under VIDEO, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented