| | 1 views

Dhageyso:Sababta Ay AMISOM Uga Baxday Leego?

Iyadoo Ciidamada Midowga Afrka ee AMISOM ay Saaka iskaga baxeen Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa Arrintaasi ka hadlay Maamulka Koofur Galbeed.

Wasiirka Dalxiiska Maamulka Koofur Galbeed oo kamid ahaa Mas’uuliyiintii ka badbaaday Weerarkii Leego lagu qaaday ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay Xeelad Dagaal uga baxeen Degaanka Leego oo hada ay joogaan Meel u dhaw Degaanka islamarkaana ay ku noqonayaan.

Wasiir Cumar Dheere ayaa intaa ku daray Al-shabaab ay Miinooyin ku Xireen Xaruumaha Muhiimka ah ee Degaanka,balse Ciidamadu ay ka Digtoonyihiin oo Miinooyinka marka hore la baarayo.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab Dagaalkaas looga dilay 220 dagaalame oo lagu Jabiyay Weerarkii ay leego ku qabsadeen.

Dagaalka Leego ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 80 Ruux oo iskugu jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka,marka laga tago Khasaaraha Al-shabaab gaaray.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14306

Posted by on Jun 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented