| | 4 views

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Baarlamaanka Qudbad Ka Horjeediyay Dhageyso

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Maanta Baarlamaanka Soomaaliya hortagay ayaa Baarlamaanka hortiisa Qudbad uu ka jeediyay waxaa uu uga hadlay Arrimo ay kamid yihiin Dhaqaalaha Dalka iyo Siyaasada.

Xasan Sheikh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in Dalka Soomaaliya ay ka jirto Dhaqaalo yari islamarkaana Dowladda ay ku dadaaleeyo  in ay soo celiso Kaabeyaashii Dhaqaalaha Dalka.

“Soomaaliya hada waa Dal leh Dowlad la aqoonsan yahay oo la aamin karo Dhaqaalayarida waxaa keenay waxaa ay tahay Lacagtii Shilinka Soomaaliga aheyd oo Gabaabsi ah iyo Xayiraada la saaray Xawaaladaha Soomaalida Kenya iyo Mareykanka”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Nidaamka Federaalka la geeyay inta badan Soomaaliya islamarkaana Dalka ay ka dhismeen Maamulo Cusub kuwo kalena ay hada Dhismayaan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14343

Posted by on Jun 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented