| | 3 views

Musharax Axmed Macalin Fiqi Oo Taageero Ka Helay Beelaha Dega koofurta Iyo Waqooyiga Galgaduud

Musharax Axmed Macalin Fiqi ayaa Magaalada Cadaado kula kulmay waxgaradka iyo Siyaasiyiinta beelaha dega Waqooyiga iyo koonfurta Galgaduud, isagoo kala hadlay arrimo badan oo quseeya doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhici doonta 4-ta bisha July

Amb. Fiqi oo ka mid ah Musharixiinta uga cad cad jagada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug oo doorashada Madaxweynimo ee maamulkaas dhici doonto Sabtida soo socota ayaa waxaa uu taageero ballaaran ka helay beelaha dega Waqooyiga iyo koonfurta Galgaduud, waxayna sheegeen beelahaas inay ku kalsoon yihiin xubnaha Baarlamaanka Mudug iyo Galgaduud inay dooraan doonaan Amb Axmed Macalin Fiqi.

Musharax Madaxweynimo ee Maamulka Galmudug Axmed Macalin Faqi ayaa uga mahad celiyay beelahaas sida ay taageerada u siiyan qorshihiisa siyaasadeed iyo sida xad iyo jeer u garab taagan yihiin.

Amb. Fiqi ayaa kulamo wada tashi la qaadanayay qeybaha bulshada, waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada iyo haweenka, waxaana ay aad ugu riyaaqeen ajandihiisa siyaasadeed ee ku wajahan Maamul Goboleedka Galmudug.

Qiimeyn dhowaan la sameeya ayaa lagu ogaaday in Musharax Axmed Macalin Fiqi uu 86% uu ku horeeyo doorashada Madaxweynaha, waxaana dad badan ay saadaalinayaan in Musharax yahay shaqsiga koowaad ee ku guuleysanaya doorashada Madaxweynaha.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka socda qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug, waxaana lagu xardhay wadooyinka sawiro kala duwan oo ah musharaxiinta u tartameysa jagada Madaxweynenimo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14339

Posted by on Jun 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented