| | 1 views

Qabashada Araajida Musharaxiinta Galmudug Oo Maanta Bilaabaneeysa Dhageyso

Maanta oo Talaado ah 30-ka Bisha June ayaa lagu wadaa Magaalada Cadaado in ay ka bilaabato Qabashada Araajida Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Guddiga Doorshada Maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Araaji qabashada ay bilaabaneeyso 30-ka June islamarkaana ay ku Egtahay 1-da Bisha July Saacadu markii ay tahay 12-ka Duhurnimo.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa intaa ku daray in Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen ay CV-gooda iyo Qorsheyaasha kaleba ay ku soo hagaajin karaan Xafiiska Guddiga Doorashooyinka.

Dhismaha Maamulka Cusub ee Galmudug ayaa hada maraya Heer Gabo gabo ah,iyadoo 4 Bisha Soo socota la sugayo in la doorto Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14312

Posted by on Jun 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented