| | 0 views

Sargaal Katirsanaa Wasaarada Beeraha Dowlada Soomaaliya Oo Goordhaw Lagu Dilay Degmada Afooye

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Goordhaw kooxo bistoolado ku hubeesan Degmadaasi ay ku dileen sargaal katirsanaa Wasaarada Beeraha Xukuumada Soomaaliya Xafiiskeeda Afgooye.

Rag bistoolado ku hubeesan ayaa bartamaha Degmada Afgooye waxa ay ku dileen Maxamed Gurufaay, oo la sheegay in uu katirsanaa Wasaarada Beeraha Xukuumada Somalia xafiiskeeda Afgooye, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilka geestay.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa deg deg u gaaray goobtii uu dilku ka dhacay waxa ayna halkaasi ka sameeyeen howlgalo balaaran, lamana oga in Ciidamo ku guuleesteen soo qabashada dableydii dilka fulisay.

Al-Shabaab oo la tuhmayo in iyagu dilkaan Afgooye ka dhacay ka dambeeyeen ayaa kordhisay maalmihii lasoo dhaafay dilalka qorsheesan iyo weerarada ay ka geesanayaan qeybo kamid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ay maamusho Dowlada Federaalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14324

Posted by on Jun 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented