| | 3 views

Xildhibaanno Ku Qulqulaya Xarunta Musharax Maxamed Cilmi “Mideeye” Oo U taagan Doorashada Galmudug

Iyadoo ay heer gabagabo ah marayso taratanka Madaxatinimo ee dowlad goboleedka Galmudug ayaaa waxaa soo muuqanaya inay jiraan isbadal xaga musharaxiinta ah, taasoo ku saabsan loollanka loogu jiro kaalinta koobaad ee Madaxtinimada maamulkaasi iyo kala jiidasho xagga Xildhibaannada ah.

Xarunta Musharax Maxamed Cilmi Afarax “Mideeyee” ee magaalada Cadaado uu ku leeyahay, kana mid ah musharaxidiinta ugu horeeya xilka Madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay laga dareemayay mashquul saa’id ah,iyadoo Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Galmudug ay intooda badan lagu arkayay xaruntaasi, kuwaasi oo uu si gooni gooni ah u qaabilayay.

Musharaxiinta kale ayaa u arko dadaalka uu wado Mideeye in uu yahay shaqsiga ku soo bixi kara wareegga koobaad ee doorashada, waxaana hadal haynta ugu badan ay tahay in Musharax Mideeye uu ka faa’iideysanayo khilaafka ka dhex oogan musharixiinta kale, maadaama uu isagu yahay Hoggaamiye ka madax banaan arrimahaasi.

Mudane Maxamed Cilmi Afrax “Mideeye” ayaa ah shaqi ku caan baxay wax u qabashada bulashada ku dhaqan gobollada dhexe, isagoo muddo 23 sano ah ahaa madaxa igu sarreeya hay’adda ICRC ee ka howlgasha gobollada dhexe, taasi oo keentay in uu kasbado kalsoonida bulshada ku nool Gobollada Dhexe

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska wararka barmuudo.com

C/wili Xasan Maxamuud (Tarabatoni )

infobarmudo@gmail.com

Muqdisho-Somaliya

Short URL: http://barmuudo.com/?p=14327

Posted by on Jun 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented