| | 7 views

War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Goordhow Furay Shirka New Deal-ka

Shirka Arimaha  Hiigsiga cusub ee 2016-ka, oo muqdisho ka furmay  waxana looga hadli doonaa arimo badan .sidookale  shirkaasi ayaa waxaa  ka qaybgalayaa  wakiilo kala duwan.

Shirkan waxa si Wadajir ah u Guddoominaya Madxweynaha Xasan Sheekh  iyo Wakiilka Qaramada Midoobay  ee Soomaliya waxaa ka qeyb galaya Erga ka  badan  120 ruux oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Bulshada Rayidka iyo Beesha caalamka.

Xubnaha shirkaan ka qaybgalaya ayaa ku qul-qulaya Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga C/raxmaan Caynte ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Dowladda Somalia shirkaan maanta ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho.

“Shirkaan  ayaa ah kii ugu horreeyey ee heerkan   ah oo lagu qabto Soomaliya, kaa oo looga hadlaayo  Barnamijka  New Deal-ka  ee looga dhawaaqay Brussels 2013kii,    kaa oo micnahiisu  ahaa maaraynta deeqaha dowladda Soomaliya ay caalamka ka hesho iyo  xoojinta geeddi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya.” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaanan shirkaan ka qaybgalayn oo sida wararka ay sheegayaan diiday ka qaybgalka shirkan, taa bedelkeeda waxaa ka qaybgalaya Maamul Goboleedyada Galmudug iyo sidoo kale Maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federalka Somalia ayaa shalay ku dhawaaqday in dalka aysan  ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, waxaana Dowladda ay ku baaqday in la qabto shirweyne wadatashi ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska warqabadka Muqdisho

Cwali Xasan Maxamuud (Tarabatooni )

infobarmudo@gmail.com

Tel:0615749191 ama 0618146419

Short URL: http://barmuudo.com/?p=15679

Posted by on Jul 29 2015. Filed under VIDEO, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented