| | 4 views

Shirka Looga Hadlayo Arrimaha Hiigsiga Sanadka 2016 Oo Maanta Laga Soo Saarayo War Murtiyeed+Warbixin

Shirka looga hadlayo arrimaha Hiigsiga sanadka 2016 ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo, lagana soo saaro war murtiyeed lagu qeexayo marxalada looga gudbayo tan hadda marla gaaro sanadka 2016.

Shirkan oo maalintii labaad galay ayaa waxaa maanta looga doodayaa qodobo badan oo ergooyinka ka qeyb qaadanaya la soo hordhigi doono, waxaana qodobada ka mid ah waxyaabaha la qaban doona mudada hartay.

Doodaha ugu badan ayaa noqon doona mid diiradda lagu saarayo dhameystirka howlaha dowladda u haray, in la dhameystiro qorshayaashii lagu soo bandhigay shirkii ka dhacay Copenhagen ee sanadkii hore.

Sidoo kale waxyaabaha suurta galka ah in shirka lagu soo bandhigi waxaa ka mid ah nuuca doorasho ee ka dhici karta Soomaaliya sanadka 2016, maadaama aanay dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod.

Qodobada la isla dhex marayo ee shirka la soo hordhigi doono waxaa ka mid in waqti kordhin loo sameeyo dowladda guud ahaanteeda, in Baarlamaanka kaliya waqtiga loo kordhiyo oo loogu daro afar sano iyo in Gobollada laga keeno Ergooyin badan oo soo xuli doona Xildhibaanada, waxaana dhamaan soo jeedintan ay noqonayaan kuwo wada tashi u baahan, lana isku raaco mida la qaadan doono.

Sodoo kale Qodobada kale ee aadka loo hadal haayo ayaa waxaa ka mid ah in 27,500 oo ergo laga soo kala xulo dhamaan gobolada iyo degmooyinka, kuwaasoo soo xula Xildhibaanada Baarlamaanka ee 275 xubnood oo ka kala imaanaya dhamaan Axsaabta siyaasadeed, waxaana qaabkan uu noqonayaa mid ka duwan sida tii sanadkii 2012 ee ay soo xuleen Xildhibaanada 135 oday.

Si kastaba ha ahaatee war murtiyeedka laga soo saari doona shirkan ayaa la filayaa inay noqoto mid looga gudbi karo sanadka 2016, isla markaana wada tashi badan ay ka yeeshaan dhinacyada Soomaalida oo ah sidii nuuc doorasho dalka uga dhici laheyd.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska warqabadka Muqdisho

Cwali Xasan Maxamuud (Tarabatooni )

infobarmudo@gmail.com

Tel:0615749191 ama 0618146419

Short URL: http://barmuudo.com/?p=15702

Posted by on Jul 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented