| | 4 views

Xasan Sheekh Iyo Xulufadiisa Oo Ceel Ku Riday Rajadii Soomaaliya”Warbixin”

Waxii ka danbeeyay  markii ay meesha ka baxday Dowladdii dhexe ee Madaxweynaha uu ka ahaa  Alle ha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre  Soomaaliya waxaa soo maray Dowladdo kala duwan Heerkastaba ha ku yimaadeene,waxaana inta badan Dowladdihii KMG ahaa ee Dalka Soomaray lagu soo dooran jiray Dalka Dibaddiisa,waliba qaab Baarlamaani ah.

Sanadkii 2012-Bishii Augosto waxaa la soo dhisay Baarlamanka Federaalka ah oo ka kooban 275 Xildhibaan,kuwaas oo ay soo xuleen Odayaal ka soo jeeda Beelaha kala duwan ee Soomaalida.

10-kii September Xarunta Dugsiga Tababarka ee Generaal Kaahiye waxaa Xilli Habeeyn ah lagu doortay Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,waxaana uu ka guuleeystay  Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd Sheikh Shariif Sheikh Axmed.

Waxii intaa ka danbeeyay Dowladda Soomaliya oo Taageero Fiican ka heshay Beesha Caalamka waxaa ay sheegtay in ay isbadal muuqda ay la imaan doonto oo Dalka laga hirgalin doono Nidaamka federaalka islamarkaana 2016 Doorasho Qof iyo Cod ah ay ka dhaceeyso dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa horay u sheegay in ay qasab tahay in ay Dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah oo ka dhici doonta Goobkasta oo Dalka kamid ah.

Dadka ka hadla Arrimaha Siyaasada Soomaaliya  ayaa aaminsan in ay adag tahay Doorasho ka dhacda Wadanka,Maadaama qaabka Dowladdu ay wax u wado uusan aheyn midkii loo baahnaa.

Shalay Labada Gole ee Dowladda oo kala ah Golaha Sharci dajinta iyo Xukumadda waxaa ay soo saareen Go’aan ay isku waafaqeen oo ah in 2016- aysan Dalka ka dhici Karin Doorasho Shacbi.

Cumar C/rashiid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ah Ra’iisul Wasaarihii Saddexaad ee Xukumadda Soomaaliya ay yeelanto tan iyo waxii ka danbeeyay 2012- ayaa sicad u sheegay in ay Adag tahay in Doorasho Qof iyo Cod ah ay dhacdo.

Markuu soo baxay Go’aanka Labada Gole ee Dowladda ayaa waxaa ka hor yimid qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed,Xildhibaano iyo Waxgaradka intaba.

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradkaa ayaa qaba in Dano Siyaasadeed laga lahaa Go’aankii Xukumadda iyo Baarlamanka ay wada gareen,Dowladuna ay u sal xaaraneeyso waxti kordhin.

Sidoo kale Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah Baarlamanaka Federaalka ayaa qaba in Dowladda waxtigeedii ay ku lumisay Khilaaf iyo Isjiid jiid,waxuuna xusay in Go’aankii Labada Gole ay shalay gaareen uu yahay mid ay ku fashilmeen.

Muumin Maxamed Gariig oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa dhankiisa qaba in Waqti hore Dowladda looga baahnaa in ay sheegto in aysan dalka ka dhici Karin Doorasho Shacbi.

Dowladda federaalka ayaa horay u sheegtay in Dalka ay ka dhaceeyso Doorasho Shacbi,hadaba maxaa iska badalay,waakan Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi xayir Maareye.

Inkastoo Dad badan oo Soomaaliyeed ay qabaan Fikirka ah in Dolwdda Soomaaliya ay u gogol xaaraneyso in ay Waqti ku darsato ayaa Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheikh  maxamuud waxaa uu dhawr jeer sheegay in aysan dhici doonin in Hay’addaha Dowladda ay Waqti kor dhin sameeystaan.

Waxaa Diyaariyay C/qadar C/llaahi Maxamed

 

Xigasho wararkapuntland.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska warqabadka Muqdisho

Cwali Xasan Maxamuud (Tarabatooni )

infobarmudo@gmail.com

Tel:0615749191 ama 0618146419

Short URL: http://barmuudo.com/?p=15694

Posted by on Jul 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented