| | 1 views

Puntland Oo Qaadacday Siyaasada Xukuumada Federaalka Kuna Dhawaaqday Shirweyne Qaran + Warsaxafadeed

Puntland ayaa warsaxaafadeed ay kasoo saartay shirka ka socda Muqdisho ee looga hadlayo Hiigsiga 2016 ku sheegtay in Puntland aysan wax kalsooni ah ku qabin dowlada Federaalka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqeyso Ummada Soomaaliyeed inay shirweyne wadatashi isugu yimaadaan.

Puntland ayaa dhinaca kale ka digtay in wax wakhti koror si ah lagu sameeyo xilka kasii dhamaanaya dowlada Federaalka ee xiligan joogta.

Warsaxaafadeedkan ayaa marka hore lagu faah faahiyey sababta Puntland uga qeyb geli weyday shirka wadatashiga Hiigsiga 2016 ee maalinimadi shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Dowlada Puntland ayaa u mahadnaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wanaaga doonaya iyo waliba Beesha Caalamka ee taageerada la garab taagan sidii dalka Soomaaliya uga soo kaban lahaa Qaran-jabka ku dhacay, ayaa hadana Puntland sheegtay inay ka xuntahay in dowlada Federaalka ee xiligan joogta rajadii Soomaalida burburisay kadib markii ay ku tumatay Dastuurkii dalka u yiilay.

Waxay Puntland sidoo kale ku eedaysa xukuumada hada joogta inay si gaar ah u dooneyso inay musuq maasuq wakhtiga ku kororsato iyadoo u mareyso Guddiga Doorashada oo la magacaabay isagoo aan lagala tashay Maamulada dalka ka jira, isla markaana lagu doonayo in xukunka lagu boobo.

 

Qoraalka kasoo baxay maanta Puntland ayaa lagu xusay sadex qodob oo ay Puntland xiligan wax kalsooni ah ugu qabin dowlada Federaalka kuwaasi oo kala ah:

1-      Jabinta iyo Bedalida Qodobada Dastuurka KMG ee Federaalka Soomaaliya

2-      Hirgelin la’aanta heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Federaalka

3-      Ololaha hogaanka Federaalka ugu jiro burburinta Nidaamka Federaalka iyo dhismo xukuumad looga taliyo MUQDISHO oo kaliya.

Dowlada Puntland oo ah xubinta kaliya ee Federaalka oo aan Kumeel Gaarka ahayn ayaa sheegtay in la jabiyey qodobo badan oo Dastuurka kamid ah oo ay tusaale usoo qaadatay qodobada;

  1. a) Burburintii Golaha Sare ee Federaalka Soomaaliya (Qod. 72 Farqadiisa)

 

  1. b) Maqaamka Caasimada Federaalka Soomaaliya (Qod. 9)

 

  1. c) Dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.

 

  1. d) Sharuucda iyo xeerka wax ka bedalista iyo dib ugu noqoshada Dastuurka (Qod.199 farqadiisa 3 iyo 5)

 

  1. e) Sharciga dhulka, hantida iyo bey’ada ee Dastuurka (Qod.44 farqadiisa 6)

 

  1. f) Baahinta Awoodaha dowlada (Qod. 55)

Puntland ayaa sidoo kale sii faah faahisay qodobada la jabiyey iyo qaabka loo jabiyey iyo waliba fulin la’aanta heshiisyadii hore u dhexmaray Puntland iyo Federaalka oo ay fulin weysay xukuumada Federaalka, arrintaasi oo Puntland ku go’aansatay inaysan wax kalsooni ah ku qabin xukuumada hada xilka heysa.

Waxayna dowlada Puntland ku baaqday in Shirweyne Soomaaliyeed la isugu yimaado si looga tashado habkii doorasho dalka uga dhici lahayd marka la gaaro 2016 iyadoo ay Puntland ka digtay in wax wakhti kororsi ku dhawaaqaan golayaasha Dowlada Federaalka ee wakhtiga ka dhamaanayo 2016.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska warqabadka Muqdisho

Cwali Xasan Maxamuud (Tarabatooni )

infobarmudo@gmail.com

Tel:0615749191 ama 0618146419

Short URL: http://barmuudo.com/?p=15708

Posted by on Jul 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented