| | 0 views

Munaasabad loogaga dhowaaqayo xal laga gaaray khilaaf u dhexeeya labo beel oo ka socota Warshiiq

Top-News1

 

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogaga dhowaaqayo heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay beelo dega deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ka socotaa degmada Warshiiq ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasaabadan ayaa waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha gobolka Banaadir General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Cali Guudlaawe, qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe,Duubab dhaqameedyo,nabadoono iyo waxgarad kale.

Khilaaf soo kala dhex galay labadan beelood ayaa sababay in ay ku dhintaan dad ku dhow toban ruux ayna qoysas badan ku barakacaan. Wadahadlo socday muddo toddodaab ah ayaa labadan beel waxa ay ka heshiiyeen khilaafka soo kala dhex galay oo asalkiisu ahaa dhul.

Qodobada heshiiska ayaa lagu wadaa in goor dhow loogaga dhowaaqo degmada Warshiiq iyadoo ay goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo.

Degaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe maanta waxaa lagu wadaa in lagu soo Afjaro Colaad mudo u dhaxeeysay Beello wada daga Degaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana halkaa maanta la filayaa in Heshiis lagu kala saxiixdo.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Odayaal ka tirsan Labada Dhinac ayaa manta tagaya Degaanka,kuwaa oo Goobjoog ka noqonaya Heshiiska.

Beelaha ku dagalamay Degaanka  Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr Jeer loogu baaqay in ay Nabad qaataan oo ay ka Tanasulaan dagaalkan.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=16481

Posted by on Aug 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented