| | 0 views

Wariyeyaal ka tirsan Al-Jazeera oo ay xukuntay Maxkamad ku taal Masar

Top-News1

 

 

Saddex wariye oo ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera ayaa la xukumay, kadib markii lagu eedeeyay inay tabiyeen warar qalad ah, iyadoo lagu xukumay min saddex sano ah.

Maxkamad ku taal Qaahira ayaa wariyeyaashan u shaqeynayay Al-Jazeera oo kala ahaa Mohamed Fahmy, Baher Mohamed iyo Peter Greste ay ku xukuntay saddex sano, laakiin Baher Mohamed ayaa lix bilood dheeraad loogu daray

Peter Greste ayaa horaantii sanadkan loo musaafuriyay dalkiisa, kadib markii Maxkamad sii deysay, waxaana xukunkan uu ku dhacay, isagoo maqan.

Wariyeyaashan ayaa lagu eedeeyay inay caawinayeen Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee la mamnuucay, sidoo kale aysan wax ruqsad ah heysan markii la xirayay, isla markaana howlo ka waday Hotel ay ka degenaayeen Qaahira.

Saddexdan wariye ayaa sanadkii 2014 la xukumay, hase ahaatee Maxkamad ayaa joojisay xukunkaas bishii Janaayo ee sanadkan, Mr Greste iyo Mr Fahmy ayaa min todobo sano lagu xukumay, halka Baher Mohamed lagu xukumay 10-sano.

aljazeera journalist

Telefishinka Al-Jazeera ayaa war ka soo saaray xukunkan, waxaana uu ku tilmaamay mid ka dhan ah madax banaanida Cadaaladda iyo xoriyatul qowlka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Masar ayaa dhowaan saxiixay sharciga la dagaalanka Argagixisada, kaasoo xakameynaya madax banaanida Saxaafada oo xukuno adag lagu ridi doono cidii tabisa warar aan xaqiiqda ku saleysneyn.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=16484

Posted by on Aug 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented