| | 1 views

Sargaal oo lagu dilay Degmada Dharkeenley……….

images

Wararka aan ka heleeno degmada dharkeenley ayaa waxa ya shegaan in Kooxo aan heebtooda la garaneynin ayaa goor dhow Degmada Dharkeenley ku toogtay Sargaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Sargaalka la toogtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ciise waxaana la sheegayaa inuu ahaa ku xigeenka madaxa Baarista Degmada Dharkenley waxa uuna dilkiisu dhacay xili uu kusii jeeday goobtiisa shaqo.

Kooxda dilka geystay ayaa Sargaalkaani u galay wadada waxa ayna ku fureen rasaas dhowr ah oo markii danbe sababtay geerida marxuumkaasi.

Waxaan ilaa iyo hada la xaqiijin karin sababta ka danbeysay dilka Sargaalkaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Dharkeenley oo ku saabsan dilka Sargaalkaasi.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=16501

Posted by on Aug 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented