Home » August 30th, 2015 Entries posted on “August, 2015”

R/wasaare Cumar Cabdrashiid oo gaaray magaalada Kismaayo (Sawiro)

  R/Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane: Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose iyadoo ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyeen Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ku xigeenkiisa Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere iyo dadweyne farabadan. Xubnaha R/Wasaaraha safarkiisa ku wehelinaya ayaa waxaa ka […]

August 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Xuseen Carab Ciise “Wax horumar ah kama muuqato magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose. “

  Guddoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka Xuseen Carab Ciise iyo qaar ka mid ah xubnaha guddiga ayaa maanta booqasho qaadatay maalin ku tegey magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose. Booqashada kadib ayuu xildhibaan Xuseen Carab Ciise waxa uu sheegay in dhibaato xoog leh ay ka jirto magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose xaalada shacabka ku nool degmada […]

August 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Xildhibaano katirsan Galmudug oo kulamo xasaasi ah ku leh Magaalada Cadaado ( Sawirada)

  Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug waxaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo xasaasi ah ku lahaa xildhibaano katirsan Baalamaanka Maamulka Galmudug, xildhibaanadan ayaana sameestay kutlad ay ugu magac dareen Badbaadinta Dowlada Goboleedka Galmudug. Xildhibaanadan oo kor u dhaafaya 30-Xildhibaan ayaa kasoo horjeeda Golaha Wasiirada uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Mududane Cabdi Kariin […]

August 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Haweeney guddoomiye waaxeed ka ahayd degmada Xamar-jajab oo la diley

  Kooxo hubaysan ayaa xalay degmada Xamar jajab toogasho ku dishay mid kamid ah guddoomiye waaxeedyada degmada. Haweenayda oo lagu magacaabo Siciido Sheekh Mursal, ayaa dhaawac ahaan goobta looga qaaday iyadoo markii dambe u geeriyootay dhaawacyadii soo gaaray. Booliska Degmada Xamar-jajab oo dhacdadaan xaqiijiyay, ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan kooxihii ka dambeeyay dilka […]

August 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Naafada degen Isbitaal Martini oo ka codsaday dowlada in aan laga rarin isbitaalka

  Ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977dii  kuna nool qeybo ka mid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday dowlada Federalka in aan laga rarin halka ay degen yihiin maadaama sanooyin badan ay ku noolaayeen. Dadka naafada ah ee degen isbitaalka Martini ayaa sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya […]

August 30th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Wariyeyaal ka tirsan Al-Jazeera oo ay xukuntay Maxkamad ku taal Masar

Saddex wariye oo ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera ayaa la xukumay, kadib markii lagu eedeeyay inay tabiyeen warar qalad ah, iyadoo lagu xukumay min saddex sano ah. Maxkamad ku taal Qaahira ayaa wariyeyaashan u shaqeynayay Al-Jazeera oo kala ahaa Mohamed Fahmy, Baher Mohamed iyo Peter Greste ay ku xukuntay saddex sano, laakiin Baher Mohamed ayaa lix […]

August 29th, 2015 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka,Wararka Caalamka | Read More »

Wafdi uu higaaminayo M.weynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo gaaray Magaalada Marka

Wafdigan uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose. Madaxweyne Shariif Xasan iyo tiro Wasiiro oo ka mid ah Wafdigiisa ayaa si diiran waxaa loogu soo dhaweeyay Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose. Mr. Shariif Xasan iyo Wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay halkaasi […]

August 29th, 2015 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka,Wararka Caalamka | Read More »

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka isu taga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu martiqaad uu ka helay Amiirka dalkaas. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan labada Gole iyo saraakiil ciidan. Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys ayaa […]

August 29th, 2015 | Posted in Arimaha Bulshada,Wararka,Wararka Caalamka | Read More »

Markab kalluumeysi iyo shaqaalihii saarnaa oo ka baxsaday koox afduub ugu haystay xeebaha Soomaaliya

Markab kalluumeysi ah iyo shaqaalihii saarnaa oo ay afduub loogu haystay muddo shan bilood ah ayaa ka baxsaday burcad badeed Soomaali ah oo afduubka u haysatay. Labo markab oo lagu kala magacaabo Jaber iyo Siraj ayaa lagu qabsaday xeebaha dalka Soomaaliya kadib markii burcad badeed qafaalatay ay ku eedeeyeen inay si sharci darro ah uga […]

August 29th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

War Deg Deg ah: Golaha wasiirada Galmudug oo goordhow lagu dhawaaqi doono………

Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada looga yeeray wariyasha magaalada Cadaado ku sugan, waxaana lagu wadaa in lagu dhawaaqo golaha wasiirada Galmudug. Wariyaheena magaalada Cadaado ayaa sheegaya in goordhow kadib lagu wado in lagu dhawaaqo golaha wasiirada maamulka Galmudug. Waxaa magaalada Cadaado ka socda kulamo kala […]

August 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented