| | 0 views

barmuudo.com Ciidamo Hor Leh Oo Ithopian ah Oo Ku Soo Wajahan Dalka Somaliya

it1Dowladda Ethiopia  ayaa sheegtay in ciidamo dheereed ah  ay ku soo kordhin doonto ciidamada ku sugan Somalia ee qaybta ka ah Howl galka AMISOM.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Ethiopia ayaa daaha ka rogay in qorshahaan uu yahay mid haqab tiraya booskii ay ka baxeen Ciidamadii Sera Leon ee Howl galka ku jiray, kuwaas oo ku sugnaa Gobolka Jubbada Hoose.

Dhawaan Xubno Saraakiil  ah oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Dowladda Ethiopia oo booqday Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa sheegay in ay halkaas geyn doonaan Kudhawaad 1000 Askari ( kun Askari) oo bedelaya Ciidamadii Sera Leon ee horay halkaas uga tagay.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ay kulamo la lahaayeen Masuuliyiinta maamulka Jubba oo ay ka wada hadlayeen qaabka ay uga howl gali karaan Gobolka Jubbada Hoose

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17248

Posted by on Sep 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented