| | 4 views

Barmuudo.com Fanaaniintii Xiddigaha Geeska oo laga sii daayay Xabsi ga…………….

 

DSC09560

Wararka ka imaanaya Magaaada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamada booliiska ay xabsiga kasii daayeen afar fanaan oo kamid ah Xiddiga Geeska kuwaa oo axadii lasoo dhaafay xabsiga la dhigay.

Fanaaniintan ayaa loo heestaa in ay safar fasax la’aan ah ku tageen Magaalada Muqdisho ayna halkaasi ku qabteen badhig Faneed habeenkii Ciida, waxaa sidoo kale fanaaniinta lagu eedeeyay in ay xirteen astaanka Calanka Soomaaliya.

Sii deynta Fanaaniintan ayaa yimid kadib markii Guddoomiyaha maxkamada Hargeysa Axmed Dalmar Ismaaciil, uu amray in Xuriyadooda la siiyo lagana sii daayo Xabsiga Afarta Fanaan ee kala ah Nimcaan Hilaac, Cabdi Raxmaan Ceydiid, Maxamed Axmed Bakaal iyo Xamda Queen.

Maxkamada ayaa ku amartay taliyaha qaybta boliiska ee dambi baarista CID iyo taliyaha saldhiga dhexe ee boliiska ee Hargeysa in isla maanta ay xabsiga kasii daayaan afar kamid ah Fanaaniinta Xiddigaha Geeska ee xiran.

Warka Qoraalka ee kasoo baxay Maxkamada Magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegay in dastuurka Maamulka Somaliland uusan qabin in xuriyada aasaasiga ee muwaadinta lagu xadgudo , waxa ayna Maxkamada sheegtay in inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.

DSC09560

Xafiiska warqabadka muqdisho.

c/wali tarabatoono contact us 0615749191.

Email infobarmudo@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17233

Posted by on Sep 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented