| | 3 views

barmuudo.com Maamulka Galmudug Oo Beeniyey In Laga Hor Istaay Inay Gaaraan Dagmada Hobyo

gal

 

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa beeniyay in laga hor’istaagay safar ay ku tageen degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Warar soo gaaray Idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in Maleeshiyo beeleed abaabulan ay is’hortaageen safarka masuuliyiintaas oo booqanayay degmada Hobyo.

Masuuliyiintaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Dekedaha maamulka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal iyadoona xiriiro Shabelle ay la sameysay wasiirkaas uu gaashaanka ugu daruuray wararka sheegaya in loo diiday booqashada ay ku tageen Hobyo.

“ waa warar ku tura ku teen ah cid na hor joogsatay malahan , si nabad gelyo ah ayaan ku tagnay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, howlo shaqo ayaana ugu suganahay” sidaas waxaa yiri Wasiirka Dekedaha Galmudug Burhaan Warsame Cigaal.

Degmada Hobyo ayaa ah halka la doonayo in laga howl galiyo dekedda maamulka Galmudug si ay ugu soo xirtaan maraakiibta shixnadaha u sida Gobollada dhexe.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17241

Posted by on Sep 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented