| | 0 views

barmuudo.com Maamulka Gobolka Banaadir oo Kulan Xasaasi Ku Yeeshay Magaalada Muqdisho

 

 

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane ayaa ka warbixiyay kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ay uga hadleen sidii  saraakiisha hay’adaha amniga ee Magaalada Muqdisho ay isula shaqeyn lahaayeen waxaana hoosta ka xariiqay in la isku waafaqay in hay’adaha amniga Gobolka ay ku shaqeeyaan xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa sheegay in loogu baaqay laamaha amniga in waqtiyada habeenkii ay dar dar geliyaan howl gallada ay ku sugayaan ammaanka taas oo uu tilmaamay in hagaajinta amniga Caasimadda Muqdisho kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto.

Masuuliyiinta kala duwan ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa todobaadkiiba mar  waxa ay yeeshaan kulan ay uga hadlaan arrimaha ka jira Magaalada Caasimadda Muqdisho gaar ahaan, dar dar gelinta amniga, adeegyada bulshada iyo shaqooyinka kale ee looga fadhiyo maamulka Gobolka Banaadir.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17238

Posted by on Sep 30 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented