| | 1 views

Ferguson oo sheegay in Mourinho uu xal mushaakilka Chelsea u heli doono

Tababarihii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa ku taageereyey Jose Mourinho in uu wax ka badali doono qaab ciyaareedka Chelsea ee xilli ciyaareedkan.

Mourinho waxa uu ka kulmay dhaleceen aad u weyn ololahan kaddib markii ay kooxddiisa si aaan wanaagsaneyn ku bilowday horyaalka waxa ayna ku jirtaa kaalinta 16-naad.

“Waxaan qabaa in shirkii jaraa’id ee Jose Mourinho maalin hore uu ku adkeenayey milkiilaha in uu taageero waqtiyadda xun,” ayuu u sheegay Sir Alex barnaamijka Morning Show.

“Mararka qaar waxaad daremeysaa in aadan taageere ka heleyn dadka oo dhan, lakaiin wey dhacddaa mar walibana ma aha sax, ma qabo in ay sax tahay waxa uu Mourinho hada ku fakarayo- waxaan qabaa in uu taageradda haysto. “Xal wuu heli doona.

“Dhowr toddobaad ayey qaadan doontaa, laakiin waa in aad xusuusataa waxa uu lumiyey goolhayihiisii [Thibaut] Courtois, kaas oo ah goolhaye wanaagsan. John Terry mushaakil ayuu ku jiraa malaha waa xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey, yaa og- kulan waliba wuu dheelay kal hore, daaficii dhexe ee ugu wacnaa ee ebid soo mara.

“Markaa haddii laf dhabarta kooxdaadda aysan sidii hore ahayd miyaad filyesaa natiijo joogta ah

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17506

Posted by on Oct 11 2015. Filed under Cartoons, Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented