| | 2 views

Barmuudo.com (Sawiro)Baarlamaanka Puntiland oo kulan deg deg ah ka yeeshay Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi ……

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntiland ayaa kulan deg deg ah waxa ay maanta ku yeesheen Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi , waxa ayna Xildhibaanada aqbaleen iscasilaadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Kulanka Baarlamaanka Maamulka Puntiland waxaa shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixamiid Cabdisalaan, waxa ayna Xildhibaanada guda galeen ka doodista iyo meelmarinta ajandahooda oo ahaa mooshinkii laga gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntiland ayaa laga hor aqriyay mooshinkii 40-ka Xildhibaan ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Saciid Xasan Shire , waxaana xildhibaanada cod u qaadeen meel marinta mooshinkaasi , waxaana Ogolaaday 47 muddane halka ay diideen 2 xildhibaan, waxaana codbixinta ka aamusay 1 xildhibaan..

Waxa ay sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Puntiland ay cod u qaadeen iscasilaadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi, waxaana Ogolaaday iscasilaada Gudoomiyaha 45 xildhibaan halka ay diideen 5 xildhibaan.

Gudoomiye-kuxigeenka Baarlamaanka Puntiland Cabdixamiid Cabdisalaam ayaa shaaciyay in Baarlamaanku ay go’aan ku gaareen in xilka ay ka qaadaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Md.Siciid Xasan Shire, sidoo kale ay aqbaleen is casilaadiisa.

Arintan ayaa imaaneysa xili saakay uu ku dhawaaqay Gudoomiyihii Baarlamaanka Saciid Xasan Shire, uu saakay ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Gudoomiyaha iyo xubinimadii Baarlamaanka, waxa uuna cadeeyay Gudoomiyaha in mooshin aan sharci aheyn laga gudbiyay sidoo kale inqilaab lagu sameeyay Xarunta Baarlamaanka.






 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17987

Posted by on Oct 28 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented