| | 1 views

Barmuudo.com Ugaandha oo soo bandhigtay qaab cusub oo looga guuleysan karo Ururka Alshabaab

Dowlada Uganda ayaa sheegtay in wadamada Africa aysan xal militari oo kaliya kaga guuleysan Karin dadka amni darada ka geysanaya dalalka bariga Africa, iyada oo aan la ogaan sababta rasmiga ee ka dambeysa aasaaska kooxaha kala duwan ee dagaalka ka wada wadamada Africa, sida Alshabaab iyo Boko Haram.

Dowlada Uganda ayaa qeyb ka ah howlgalka Amisom ee ka socdo dalka Soomaaliya, waxaana Tusaalo loosoo qaaday kooxda Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in xal military oo kaliya aan Alshabaab looga adkaan Karin.

Sam Kutesa wasiirka arimaha dibada Dowlada Uganda oo la hadlay wakaalada Wararka Xinhua “Shinwaa”,  ayaa sheegay in dhawaan wax laga qaban doono kororka kooxaha amni darada ka geysanaya dalalka ku yaala bariga Africa.

Wasiirka ayaa sheegay in kororka dhalinyarada ku biirta Al-shabaab iyo Boko Haram ay sababtay fursadaha shaqada oo dhalinyarada ku yar, faragalinta Shisheeye iyo kooxaha oo dhalinyarada caqliga ka xada.

Wasiirka arimaha dibada Uganda ayaa sheegay in dagaalka Militiri ee ka socdo Soomaaliya uusan xal u aheyn dagaalka ka dhanka ah Alshabaab loona baahan yahay in dowlada Soomaaliya ay ogaato asal aasaaska Alshabaab.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya looga baahan yahay iney dadka shacabka ah ka caawiso iney iska difaacaan kooxaha amni darada geysanaya, lana siiyaa tababaro arimahaasi la xiriira.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17985

Posted by on Oct 28 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented