| | 12 views

bARMUUDO.CM Daawo Sawirro aan Indhaha u rooneyn oo laga soo qaaday Laamiyo kuyaala Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa mudoyinkii dambe aheed mid dhinaca horumarka u jiheesatay, waxaana Magaalada laga dhisay dhismooyin aad u qurux badan, waxaa sidoo kale la dhisay Laamiyo badan oo kuyaala Magaalada Muqdisho oo horey u bur bursanaa

Dowlada Turkiga ayaa dhistay Laamiyo badan oo Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Muqdisho gaar ahana laamiga dheer ee Maka Al-Mukarama iyo laamiyo kale oo Magaalada Dhax mara, kuwaa oo wax badan ka taray bilicda Magaalada.

Waxaasidoo kale jira Laamiyo badan oo kuyaala Muqdisho gaar ahaan kuwa ugu muhiimsan oo la iska hilmaamay kuwaa oo qaarkood si xoogan u bur buray halka kuwa kalana ay noqdeen kuwa ay biyaha fadhiistaan oo ay adkaato in ay gaadiidku maraan.

Laamiga Wadnaha ayaa u muuqda mid la iska iloowbay oo bur buray sidoo kale isku badalay goobaha qaar biyo fadhiisi, Madaxda Dowlada ayaa u muuqda kuwa aanbo war ka heyn Laamigaasi iyo kan sodonka maadaam ayasan marin halkaasi.

Hadaba Sawiro aan indhaha u rooneyn ayaa laga soo qaaday qeybo kamid ah Laamiga Wadanaha iyo laamiyo kale oo kuyaala Magaalada Muqdisho, kuwaa oo bur bursan wax dayactir ahna uusan ku sameyn Maamulkii Gobolka Banaadir.











Short URL: http://barmuudo.com/?p=17992

Posted by on Oct 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented