| | 2 views

Barmuudo.com Puntland oo mamnuucday Laanta Afka Soomaaliga ee VOA

Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa wareegto ay soo saartay waxa ay deegaanada maamulkaasi ka taliyo laga mamnuucay  Idaacadda VOA laanteeda Af-Soomaaliga ah.

Wareegtada oo uu ku saxiixnaa wasiirka Warfaafinta Puntland MaxamuudXasan Soocade, ayaa lagu sheegay in VOA ay caadeysatay baahinta warar aysan iyagu raali ka ahayn, sidaa darteedna laga soo saaray go’aan ah in aysan ka howlgalin deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu amray Idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala deegaanada Puntland, islamarkaana sii deyn jiray Idaacadda VOA, in iyaguna aysan Fm-yadooda la dhex marin VOA.

Ugu dambeyn waxaa wareegtadan lagu sheega in sharciga la waafajin doono cid walba oo ka madax adeegta ammarkaan.

Maamula Puntland ayaa hore ugaga joojiyay idaacadaha FMyada ah ee ka jira Puntlnad inaysan deyn karin barnaamijyada ka baxa VOA.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17999

Posted by on Oct 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented