| | 4 views

Barmuudo.com sawiro Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka India iyo Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay shirka saddexaad ee India iyo Afrika, kaasoo maanta ka furmay magaalada New Delhi.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika, iyadoo shirka uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi oo khudbadiisa uga hadlay sida dalkiisu u doonayo inuu xiriir wanaagsan oo saaxibtinimo iyo ganacsiba ka kooban uu la yeesho dalalka Afrika.

Shirkan oo soconaya 1 maalin ayaa waxaa khudbad ka hadlaysa xaaladda Soomaaliya ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tilmaamay in Soomaaliya ay ka soo gudubtay marxaladii bur burka islamarkaana uu isbedel weyn ka jira amnigeeda, taasoo loo baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo si loo soo saaro kheyraadka ay leedahay oo bad iyo bariba ku jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mashaariicda loo baahan yahay in dalku helo iyo sida ay uga wada faa’iideysan karaan Soomaaliya iyo adduunka intiisa kale.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka hadlay madaxda dalalka Kenya, Tanzania, Ethiopia, Uganda, Marutania ,Jabuuti, Egypt, Angola, Zambabwe iyo madax kale oo ka socotay dalalka Afrika kuwaasoo dhmaaantood muujiyay fursadaha Afrika ka jira gaar ahaan dalalkooda.

India ayaa dooneysa inay ka faa’ideysato kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika, halka dalalka Afrikana ay daneynayaan inay iyana ka faa’ideystaan khibradaha tiknoolijiyadeed ee India, sida farsamada IT-ga iyo taleefoonnada gacanta.

 

shirka-- (1)shirka-- (2)shirka-- (3)shirka-- (4)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17997

Posted by on Oct 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented