| | 5 views

Barmuudo.com (Sawirro) Muungaab oo sagootiyay Kuxigeenadiisa iyo Shaqaalaha Gobolka Banaadir ……..

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sagootiyay kuxigeenadiisa iyo shaqaalaha Gobolka Banaadir, kadib munaasabad ka dhacday xarunta gobolka.

Khudbad koobneyd oo uu Muungaab ka jeediyay Munaasabada ayaa uga mahad celiyay kuxigeenadiisa, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen.

“Wixii khudbad siyaasadeed ah waxaa u dhiganayaa maalinta xil wareejinta, laakiin waxaa idinka mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad iila shaqeyseen, waxaan aheyn koox isku xiran”ayuu yiri Muungaab.

Muungaab ayaa sheegay inuu soo dhoweeyay is bedelka lagu sameeyay iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana uu kula dar daarmay mas’uuliyiinta Gobolka iyo shaqaalaha waaxyaha inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub.

“Waa soo dhoweynayaa is bedelka la sameeyay, mas’uul kasta xilka waa laga bedelayaa”ayuu yiri Muungaab oo la hadlayay mas’uuliyiinta gobolka iyo shaqaalaha.

Waxaa uu kula dar daarmay shaqaalaha gobolka inay shaqadooda sii wataan, isla markaana adeegyada ay u hayaan shacabka ay laba laabaan.

“Maamulka Gobolka Banaadir waa uu Shaqeynayaa, Waaxda Canshuurta, Waaxda Dad dhigista, Ciidamada Canshuurta qaada dhamaan wey shaqeynayaan oo wax Hakad galaya Majiraan”ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Muungaab.

Muungaab ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda uu xilka ku wareejiyo Guddoomiyaha cusub, waxaana la filayaa in xil wareejinta Munaasabadaas ay ka qeyb galaan xubnaha labada gole.

Si kastaba ha ahaatee 25-kii bishan ayay aheyd markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha xilka looga qaaday Muungaab, isla markaana lagu magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale.


mung (8)mung (7)mung (6)mung (5)mung (4)mung (3)mung (2)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=17995

Posted by on Oct 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented