| | 5 views

< Daawo Sawirada'' Axmed Madoobe oo Waqti dheeri ah la Siiyay kadib markii uu ku fashilmay magacaabista Golaha Wasiirada

barmuudo.com

Waxaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Jubbaland, waxa ayna Xildhibaanada ka doodeen in waqti kordhin loo sameeyo Madaxweynaha Juubaland oo ku aadan magacaabista Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada ayaa maanta cod u qaaday codsi kaga yimid Madaxweynaha Jubaland oo ku aadanaa in waqti dheeri ah la siiyo si uu usoo magacaabo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Kulanka Xildhibaanada ay xaadir ku ahaayeen Xildhibaano gaaraya 59-Xildhibaan ayaa waxaa u codeeyay in Madaxweynaha la siiyo labo bilood oo dheeri ah 54-Xildhibaan ayaa cod siisay halka 2-xildhibaan diideen waxaa sidoo kale ka aamusay 3-Xildhibaan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku fashilmay in uu magacaabo Golaha Wasiirada Maamulkiisa, waxa uuna Madaxweynaha wali ku jiraa dhismaha maamulkiisa gaar ahaan Golaha Wasiirada oo la filayo in uu dhawaan soo magacaabo.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Short URL: http://barmuudo.com/?p=18011

Posted by on Oct 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented