| | 11 views

Daawo Sawirada” Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo maanta lagu soo wareejiyay Aqalka dowladda Hoose

barmuudo.com

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta lagu soo wareejiyay Aqalka Dowlada Hoose gaar ahaan xafiisyada ay maamulka ku shaqeeyaan.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Gudoomiyihii xilka laga qaaday Xasan Muungaab iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta Gudoomiyaha Cusub kusoo dhaweeyay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kusoo wareegay qeybaha kala duwan ee xafiisyada maamulka Gobolka , waxaa sidoo kale Gudoomiyaha lagu soo wareejiyay xarunta dab damiska dowladda Hoose ,iyo xaruntii KMG aheed uu ku shaqeyn jiray Muungaab.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale , ayaa amaanay shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiintii maamulkaasi, waxa uuna ku bogaadiyay shaqaalaha maamulka howsha adag ee bulshada u hayaan.

Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ah uu si rasmi ah xilka ugala wareego Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, waxaana socda qaban qaabo xoogan oo loogu jiro Munaasabada xil wareejinta.yus_1 yus_1 yus_5

Short URL: http://barmuudo.com/?p=18015

Posted by on Oct 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented