Home » October 28th, 2015 Entries posted on “October, 2015”

Barmuudo.com C/qaadir Siidii “diyaarada Waxa ay ku dhacday jidka isku xira Toora-Toorow iyo Afgooye”

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa xaqiijiyay duhurnimadii maanta diyaarad ay ku dhacday duleedka galbeed ee degmada Afgooye, isagoo sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan diyaarada dhacday nooceeda iyo waxay siday. C/qaadir Siidii oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradan ay tahay tii labaad oo ku soo dhacday agagaarka Afgooye, […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale)

Iyadoo 25-kii bishan Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loogu magacaabay Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxaa halkan idinkugu soo gudbeyneynaa taariikh nololeedka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa cusub ee Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, wuxuu […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com (Sawirro) Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada New Delhi ee dalka Hindiya……

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka midyahay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa gaaray dalka India, iyadoo garoonka New Delhi ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Dowladda Hindia iyo danjiraha Soomaaliya u jooga magaalada New Delhi. Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shir u […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Faah faahin ka soo baxaya diyaaradii ku dhacday duleedka Afgooye

Faah faahin horu dhac ah ayaa ka soo baxaya diyaarad yar oo kuwa rakaabka ah, taasoo maanta duhurkii ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Diyaarada ayaa la sheegay inay ka soo kicitintay magaalada Nairobi, iyadoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha Balli-doogle, halkaasoo saldhig milateri u ah Ciidamada AMISOM. Wararka ayaa sheegaya in […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Siilaanyo oo Wasiiro cusub magacaabay xili ay wali socto is casilaada Wasiirada (Aqriso magacyada)

Axamed Maxamed Siilaanyo ayaa si rasmi ah goordhow u magacaabay Wasiiro cusub oo uu sheegay inay bedeli doonaan Wasiiradii shalay iska casilay xilkooda. Warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu magacaabay Wasiirada cusub waxa ayna u badan yihiin kuwo cusub iyo kuwo horay xilal u hayay oo wasaaradaha loo kala bedelay. […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Daawo Sawir gacmeed cajiib ah oo laga sameeyay Madaxweynaha Somaliland

Amin amir ayaa sawir gacmeed ka sameeyay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo isaga oo cabir ku sameeyay qaabka uu doonaayo inuu ku hago inta uga harsan Maamulkiisa. Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu sheegay in Siilaanyo xiligaani la joogo uu dusha sare ka saaran yahay gaari aan lugo laheyn taasi oo ka dhigan inuusan jirin wax […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Feysal Cali Waraabe oo ka digay bur bur ku yimaado Xisbiga talada haya ee Kulmiye

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa ka digay bur bur ku yimaada Xisbiga Kulmiye ee haya talada Maamulka Somaliland, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya xisbigaas ee ku aadan loolanka dhinaca hogaanka. Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aysan Somaliland xamili karin inay meesha ka baxaan Xisbiyada waa weyn, […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com (Sawirro) Kulan looga hadlayay dib u eegista Dastuurka oo lagu qabtay Muqdisho………….

Kulan howleed ku aadanaa dib u eegista Dastuurka, kaasoo ay soo agaasintay Wasaaradda Dastuurka ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulankan goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari”, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Ceydiid Ilka-xanaf, Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamuud Sh. […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Sawiro Madaxweyne Xasan oo soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga…..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Qasriga Madaxtooyada magaalada Riyadh oo uu degan yahay Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis. Boqor Salmaan ayaa soo dhoweyn heerkeedu sareysay u sameeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana labada Mas’uul ka wada hadleen xiriirka labada dal. […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com WAR DEG DEG: Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo goor dhow is casilay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa goor dhow kaga dhawaaqay magaalada Garowe inuu iska casilay xilkii uu hayay. Is casilaada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ka dambeysay kadib markii illaa 40 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntlan ay mooshin ka gudbiyeen. Mr Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay […]

October 28th, 2015 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented