| | 5 views

Barmuudo.com Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay Dagaalka kasocda Gaalkacyo………

qeybdiid

 

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), ayaa ka hadlay colaada kasoo cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo iyo eedeyn loo soo jeediyay oo aheed in isagu ku lug leeyahay Dagaalka Gaalkacyo.

Cabdi Qeybdiid ayaa iska fogeeyay in wax lug ah uu ku leeyahay Dagaalka kasocda Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna xusay in uusan joogin Gaalkacyo wax lug ahna uusan ku laheyn Dagaalka ka dhacay Magaaladaasi ee u dhaxeeya Ciidamada Galmudug io kuwa Puntiland.

Waxa uu xusay Madaxweynihii hore ee Galmudug in uu kasoo horjeedo in ay dagaalamaan dadka ku wada nool Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna ku baaqay in colaada la joojiyo wadahadalna lagu dhameeyo wax walbo dhib ah oo dhacay.

” Aniga Gaalkacyo ma joogi Colaadna ma shidin , waxa wararkaasi sheegayana waa dad daad qaaday, marka waxaa ku baaqayaa in nabada laga shaqeeyo oo la joojiyo Colaada , waxaan mar kale ku baaqayaa in xabada la joojiyo oo nabada laga shaqeeyo ” Ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Galmudug.

Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa dagaal iyo xiisad u dhaxeesay Maamulaada kawada arimiya Magaaladaasi ee Galmudug iyo Puntiland, waxaana hada socda dadaalo lagu doonayo in colaada looga baaqsado.

Barmuudo.com Xafiiska warqabadka muqdisho c/wali xasan maxamud  {tabartooni}

Email: infobarmudo@gmail.com

kala so xiriiri: 0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=18649

Posted by on Nov 29 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented