| | 0 views

Barmuudo.com Falaqeynta Kulanka Premier league ee xiisaha leh Tottenham Hotspur Vs Chelsea.

Tottenham-v.-Chelsea

Kulankan maanta ka dhacaya garoonka White Hart Lane oo ay fooda is dari doonaan kooxaha Tottenham Hotspur iyo Chelsea ayaa ah mid si weyn loo wada sugaayo.

Spurs ayaa waxaa ka maqnaan doona  laacibiin aad  muhiim ah sida Nacer Chadli oo dhaawacan iyo  Dele Alli oo ganaax ku maqan.

Dhanka Chelsea waxa ay  iyagane wayn doonaan Ramires , Radamel Falcao iyo Thibaut Courtois oo dhamaantood dhaawac ku maqan.

Mourinho ayaan ku soo badin  White Hart Lane seddexdii kulan ugu dambeeyay,2 waa laga badiyay halna bar baro sido kale Chelsea ayaa ku soo badisay hal jeer Premier league garoonka White Hart Lane sagaalkii kulan ugu dambeeyay ay u safartay,afar bar baro waxaana laga badiyay afar kale.

Spurs ayaa guuldaro la’aan ah 12 kulan xiriir ah Premier league,madhicin waligeed in 13 kulan guuldaro la’aan ay ahaadaan waayaha Premier league,markii ugu dambeysay oo ay sidaas sameeyaan waxaa uu ahaa sanadkii 1985-tii markaas oo ay 14 kulan guuldaro la’aan ahaayeen.

Kulanka       :      Tottenham Hotspur ? – ? Chelsea
Garoonka    :      White Hart Lane, London
Garsooraha:       M. Oliver
Saacada      :        3:00 galabnimo waqtiga Geeska Afrika

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=18661

Posted by on Nov 29 2015. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented