| | 5 views

Barmuudo.con fallo: Halkuu Ku Dambeeyaa Mashruucii Aada Dugsiyada.?

aada-dugsiyadaMashruuca Aadan Dugsiyada ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaawacdey ayaa sannad jirsaday kaddib markii 60,000 oo ardey Soomaaliyeed  iyo dhallinyaro loo diray dugsiyada waxbarashada dalka si ay aqoontooda ukoror sadaan.

Mashruucan oo ah mid socon doona muddo seddex sanno isla markaana lacag la’aan ah  ayaa lagu doonayaa in ay waxbarashada aadaan 1 Milyan oo carruur Soomaaliyeed ah guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana iska kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo hey’adda UNICEF.

sannadka uu mashruucan shaqeynayey ayaa waxaa ka shaqaaleysiiyey ilaa 2000, oo macallimiin ah, kuwaas oo fursad u helay in ay maamullaan waxbarashada lacag la’aanta ee dowladda ay ugu deegday ardeyda soomaaliyeed.

Barnaamijka aada dugsiyada waxaa ku bixi doonta sida ay dowladda Soomaaliya horey u sheegtay lacag gaareysa 117, Milyan oo dollar, si waddanka looga  badbaadiyo Jahliga iyo Faqriga, waana ololle ay si weyn ula dhaceen bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda ku nool inkastoo uusan sidii larabay uhirgelin.

Mashruucaan oo ahaa mid aaad ubalaarnaa ayaa waxaa jirey caqabado dhowr ah oo soo wajahay macalimiinta ka howl galeysay barnaamijkan aada dugsiyada kadibmarkii ay waayeen xuquuqdii loogu talagalay oo macalimiinta ay kusheegeen in ladood siiyey.

Sanadnan gudihiisa waxa ay sameeyeen macalimiinta aada dugsiyada olo balaaran kaaas oo ay dibadbax ka dhigeen xaafado katirsan magaalada muqdisho kadib markii ay sheegeen in xal loowaayey mushaarkoodaa oo in kabadan 4 bilood aan waxba lasiin.

Macalimiintii mashquucaasi qeyb ka ahayd waxa kamid ah c/naasir maxed cnaasir waxa uu somalipress  usheegay sidii lagu xaal mariyey markii dibad baxa ay dhigeen marka aaan anaga aan banana baxa dhignay waxaa wada hadal nala galay xubno katirsanaa wasaaradii adeega bulshada lacagaheena meel ayaa lasaaray anaguna waan joojinay dibadbaxa”

Aqoon yahan maxamed cali maxamed amiin waxa uu in mudo ah lasoo shaqeeyey qeybaha bulshada waxa uu sharaxayaa sababta ka dambeysa in sadex sano lagu soo koobo mashruuc weyn oo umada wax utaraya isagoona xusaya arimo dhowr ah uu ku dhaliilayo dowlada.

“  runtii waa waxa lagu farxo ah in caruur soomaaliyeed wax labaro laakiin caqabada waxa ay tahay musuqmaasuqa soomaaliya oo meel walba saameyn weyn ku yeeshay maxaa yeelay waa caqabad taagan oo ubaahan in wax laga qabto hadii aan wax laga qabana waxbarashada dalka ma hagaageyso

Barnaamijkan waxa kol hore ku dhawwaaq day wasiiradii hore ee wasaarada adeega bulshada digtooreeso maryan qaasin oo kol hore qeexday in hamigeeda uu yahay in uu mar uun uhirgalo mashruucaan wax lagu barayo umada somaliyed waloow iyadoo hami dheer ka leh mashruucaan xukuumadii ay ku dhacay..

barnaamijkan waxaa kaga gol lahaa in ay wax ku bartaan dhamaan arddeyda soomaaliyeed iyadoo aan kusii rajo weynaa wax walba oo qeyb ka ahaa dardar gelinta mashruucaan ardeyda waxa lagu barayo waxaa ku la talinayaa dhamaan masuuliyiinta howshan khuseeysa in ay meeshiisa kasii wadaan uusana hakad ku imaan

Wasaarada wax barshda dowlda somaaliya ayaa hada ku dhawar adeegeysa in mashruucaan uu sidii larabay uu usocdo waxaase xusid mudan in dadka soomaliyed ay aad ugu hamuun qabaan waxbarsaghada.

Labo sano kaddib ayaa waxaa socda dadaal lagu ballaarinayo olollaha waxbarashada Soomaaliya, waxaana arrintan ay wax weyn kusoo kordhin doonta in Soomaaliya ay gaarto sanadaha soo socda heerka waxbarashada wax ka badan %50, sida ay saadaaliyeen hey’adaha waxbarashada balse dowlada somaliya oo 2 sano jirsatay ayaa xakameyn balaaran kadooneysa howlaha wax barshada dalka oo maalinba maalikii kadambeeya ay sii kordhayaan xarumaha waxbarshada sida: iskuulada, jaamacadaha, iyo meelo farabadan oo arimaha tacliinta laxiriirta

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19057

Posted by on Dec 27 2015. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented