| | 0 views

Barmuudo.com Arsene Wenger oo shaaciyay xiliga rasmiga ah ee uu garoomada kusoo laaban doono Alexis Sanchez.

kkTababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Alexis Sanchez la filayaa inuu ku soo laabto garoomada isbuuca soo socda kulanka FA Cup ee kooxda Sunderland la ciyaarayaan.

Xiddiga reer Chile ayaa dhaawac ku maqnaan tan iyo markii Gunners barbaraha 1-1 la gashay Norwich City 29 November Sanchez ayaana weli qabo dhawaac, laakiin Wenger ayaa ku kalsoon in ay heli doonaan xidigaan ka hor kulumada Premier League ee ay la ciyaarayaan kooxaha Liverpool iyo Chelsea.

“Waxaan qabaa in Sanchez la heli karin kulanka Newcastle ee sabtida, laakiin waxa uu soo laaban doonaa hal todobaad ka dib ciyaarta Sunderland,” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta.

Arsenal ayaa hogaaminta horyaalka la galaysa sanadka cusub ee 2016 inkastoo ay isku dhibco yihiin kooxda Leicester City laakiinn Gunners ayaa gool ku hagoomineysa.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19126

Posted by on Dec 30 2015. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented