| | 28 views

Barmuudo.com Daawo sawirada Real Madrid oo sanadkan dhamaaday guul ku macsalaamaysay ka dib markii 3-1 kaga badisay Real Sociedad

Real Madrid ayaa sanadkan gabagabada ah ee 2015 ku sagootisay guul ka dib markii 3-1 kaga badisay kooxda Real Sociedad oo marti ku ahayd garoonka Santiago Bernabe.

Ciyaarta oo ku bilaabatay jawi aad uqurxoon ayaa qeybta hore ee ciyaarta ku idlaatay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Real Madird ka dib markii daqiiqadii 42 uu rigoore dhaliyay Cristiano Ronaldo.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Real Sociedad ayaa samaysay isku dayo wanaagsan oo ay ku doonayeen in ay iska soo gudaan goosha laga dhaliyay waxaana daqiiqadii 49 ee ciyaarta gool u dhaliyay Bruma oo caawin ka helay Jonathas.

Cristiano Ronaldo ayaa mar kale hogaanka ciyaarta gacanta u galiyay Real ka dib markii uu daqiiqadii 67 gool shabaqa ku hubsaday ka dib baas uu ka helay saaxibkiis Marcelo, ciyaarta oo gabagaba marayso ayaa goolka sedexaad waxaa Real usaxiixay Marcelo daqiiqadii 86 waxaan goolkaas caawiye ka ahaa Gareth Bale ciyaarta ayaa 90 daqiiqo kusoo idlaatya 3-1 oo ay ku badisay Real Madrid.

Real Madrid ayaa haatan fadhida kaalinta koowaad ee horyaalka La Liga ayagoo leh 36 dhibcood waxa ay goolal hogaanka kaga haysaa Atletico Madrid oo iyadana leh 36 dhibcood halka Barcelona oo labo kulan u harsantahay ay leedahay 35 dhibcood.

2FAF959900000578-0-image-a-14_14514917097972FAFA0BB00000578-0-image-a-13_14514916764252FAFBE4B00000578-0-image-a-32_14514918739352FAFC2B400000578-0-image-a-18_14514917338752FAFC25F00000578-0-image-a-21_14514917430972FAFDDAA00000578-0-image-a-44_14514935826842FAFE5EC00000578-0-image-a-36_14514935203322FAFE96A00000578-0-image-a-40_14514935352972FAFF3AC00000578-3379130-image-a-66_1451495317350

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19123

Posted by on Dec 30 2015. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented