| | 5 views

Hotel ku dhow dhismaha aduunka ugu dheer oo dab ka kacay+Sawiro

Dab xoogan ayaa ka kacay Qeybta sare Hotel dheer oo ku yaalo Bartamaha Dubai kuna dhow dhismaha aduunka ugu dheer ee Burj Khalifa.

 

Gubashada iyo Qiic soo baxaya ayaa laga arkayaa qeybta sare ee dhismaha Hotelka,waxaana durba goobta gaaray kooxo dab damiyaal ah oo dadaal ugu jira sidii dabkaasi u damin lahaayeen.

 

Ilaa iyo Hada ma cada iney jiraan Qasaaro ka dhashay dabka,waxaana wali socda dadaalo lagu doonayo dab daminta.

 

Dabka ka kacay Hotelka ku yaalo Dubai ayaa ku soo aadaya xilli saacada qura nagaga harsan yihiin sanadka cusub,waxaana arintaan ay dhalatay xilli dabaal deg lagu soo dhaweynayo sanadka cusub looga diyaargarowbayay dhismaha Burj Khalifa oo ah dhismaha dunida ugu dheer.

 

Dad badan oo isugu soo uruuray Howlka si ay u daawadaan dabaal dega,ayaa lagu war geliyay iney kala tagaan si dabka saameyn uga soo gaaraan.

 

Waxaa muuqata in dabka uu bur buriyay qeyb ka mid ah dhismaha,oo ka kooban 60-dabaq,waana Hotel si aad ah loogu soo dalxiis tago.mana cada ilaa iyo haatan waxa sababay dabka ka kacay Hotelka.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19156

Posted by on Dec 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented