| | 1 views

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga oo la kulmay Wasiirka Beeraha dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geele ayaa la kulmay Wasiirka Beeraha dalkaasi,waxaana kulanka labada mas’uul uu ka dhacay xarunta wasaaradda beeraha ee dalkaasi.

Shirka waxaa ka soo qeyb galey saraakiil labada dhinac ka kala socdey oo ka mid ahaayeen Mudane Saalim Macow Xaaji oo ah La taliyaha koowaad iyo ku xigeenka safiirka, iyo Mudane Abdullahi Ibrahim Adan Sakreteerka sedexaad ee safaarada.

Kulanka Safiirka uu la qaatay Wasiirka Beeraha Saciuudiga ayaa si weyn diirada loogu saaray arimo la xiriira Beeraha,Xoolaha iyo Kaluumeysiga Labada dal.

Mudane Daahir Geelle ayaa wasiirka beeraha Sacuudiga ka codsaday in ganacsatada Soomaalida loo furo suuqyada Sacuudiga loona ogolaado iney dalka Sacuudiya u dhoofiyaan hilibka xoolaha oo lagu diyaariyey dalka Soomaaliya gudahiisa.

Wuxuu sidoo kale dowlada Sacuudiga ka codsadey in Somaaliya laga taageero horumarinta tacabka beeraha gaar ahaan horumarinta muuska Soomaaliya iyo sidii loo sahli lahaa iib geentooda dalkaasi.

Danjiraha ayaa hadalkiisa ku darey in Somaaliya ay leedahay bad dhirirkiisa uu yahay 3300 Km kana buuxo kaluun aad u fara badan loona baahanyahay in maalgashi lagu sameeyo.

 

Wasiirka Beeraha Sacuudiga ayaa sheegey iney mudnaan weyn siinaayaan dalka Soomaaliya, wuxuuna balan qaadey inuu gacan weyn ka geysan doono wax weyna ka qaban doono arrimaha safiirka Somaaliya ka codsadey. Wuxuu kaloo sheegey inuu ganacsatada Sacuudiga ku dhiiriglin doono iney maal gashi ku sameystaan dalka Soomaaliya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19147

Posted by on Dec 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented