| | 1 views

Xasan Sheikh oo sugida amniga kala hadlay Saraakiisha Ciidanka Xooga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay kulan Wasaarada Difaaca ay ku yeesheen Saraakiisha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha booliiska, Taliyaha hey’adda nabad sugida , Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Saraakiil kale iyadoo kulanka uu yahay mid maalinta kasta oo Khamiis ah lagu qabtay xarunat wasaaradda gaashaadhiga.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen dhamaan ciidamada qalabka sida marka ay sameynayaan howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka.

 

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin ka siiyay kulamada maalinta Khamiista ah ay isugu yimaadaan saraakiisha ciidanka qalabka sida.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha badan oo quseeya amniga wadanka iyo sidii loo tayeyn lahaa ciidanka qalabka sida ee dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro wada shaqeyn la’aanta ka dhex jirta ciidanka qalabka sida isla markaana saraakiisha looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan khaladaadka jira.

Ugu danbeyntii madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ciidanka Qalabka sida kula dardaarmay iney ka shaqeeyaan sidii amaanka guud ahaan dalka ula wareegi lahaayeen si looga maarmo gacmo shisheeye.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19151

Posted by on Dec 31 2015. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented