| | 16 views

Barmuudo.com Xeerka Saxaafadda: Yaa ah Wariye?…………….

Qodobka 35aad farqaddiisa 1aad ee Xeerka Saxaafadda(2016) ayaa u qoran “Saxafi waxaa noqon kara qof kasta oo leh aqoon jaamacad saxaafadeed, kana gudbay imtixaanka saxafiga laguna qoray diiwaanka saxaafadda sida ku cad qodobka 18aad ee xeerkaan”.

Ururrada saxaafadda, wariyeyaasha, qaar ka mid ah hay’adaha taageera warbaahinta iyo dad kale ayaa soo jeedinaya dood ah in Saxaafadda aanan lagu xerin shahaaddo saxaafadeed, qaar kale ayaa aaminsan in aan takhasuska saxaafadeed aan lagu xujeynin wariyeyaasha ee kaliya shahaaddo jaamacadeed lagu xiro.

 

Shirka Qaran ee Istiraatiijiyadda Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee lagu qabtay Hotelka Jazeera 11-12 bishan, ayaa lagu soo hadal qaadday dooddan. Saxafiiinta shirkaan ka qeyb galay ayaa qodobkan ka soo horjeestay. Dadka ka hadlay oo Xeel-dheerayaal Soomaaliyeed iyo Ajnabiba isugu jiray ayaa soo bandhigay aragtiyo ku saabsan qodobkaan.

Yuusuf Garaad Cumar oo ah la taliye saxaafadeed oo madax bannaan, isla markaana tifaftire ka soo noqday Qeybta Afka Soomaaliga ee BBC, ayaa aaminsan in aqoonta heerka jaamacadeed ay muhiim u tahay wariyaha haseyeeshee aysan khasab ahayn in lagu xiro inuu kulliyad saxaafadeed ka soo baxo.

Yuusuf Garaad, waxaa uu dooddiisa ku saleynayaa in adduunka wariyeyaashu ay leeyihiin xirfado ka duwan saxaafadda, sidoo kale ay barteen cilmi aan ahayn saxaafad sida cilmiga bulshada (Social Science), Haddana ay ku shaqeeyaan mihnaddan marka ay qaataan tababar ku filan.

Idaacadda BBC laanteeda Afka Soomaaliga, oo ka mid ah warbaahinta Soomaaliga ku hadasha kuwa ugu horreeya waxaa ka shaqeyay laba wariye oo ka soo baxay kulliyadda Saxaafadda intii uu maamulayay Yuusuf Garaad, kuwaas oo kala ahaa Maxamed Caddow iyo Yuusuf Xasan Isaaq sida uu sheegay Yuusuf Garaad. Arrintaas ayaa muujinaysa in caalamka aysan waajib ahayn in wariyuhu uu jaamacad uga soo baxo saxaafad, hase yeeshee tababar saxaafadeed iyo aqoon sare oo kale ay lagama maarmaan tahay.

Saxaafaddu waa shaqo wadareed leh tifaftire iyo dad kale oo hubinta ama tayaynta ku shaqo leh, kuwaas oo baahinta xogta iyo wariyaha diyaariyay warka ama barnaamijka u dhaxeeya, taasi waxaa ay adkeyneysaa in wax saxan bulshada loo gudbiyo.

Dhinaca kale, Yuusuf Xasan Isaaq oo ah la soo shaqeeyay BBC isaga oo wariye ah iyo isaga oo tababare saxaafadeed ah, ayaa qaba aragti ka duwan, Waxaa uu soo jeedinayaa in saxaafadda Soomaaliya ay ku sugan tahay xaalad aqoonta iyo awooddeeda xirfadeedba ay hooseyso, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in qodobkaan sidiisa loo qaato, inkasta oo uu sheegay in mustaqbalka wax laga beddeli karo marka sare loo qaado heerka aqooneed ee wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Waxaa uu tilmaamay in mihnad kasta qofka ka shaqeynaya looga baahan yahay takhasuskeeda si uusan dhibaato ugu keenin bulshada marka uu shaqo galo.

Rashweat Mukundu, oo ah cilmi-baare la shaqeeya International Media Support IMS, ayaa aamminsan in shuruudda wariyaha lagu xirayo ee ah inuu shahaaddo jaamacadeed oo saxaafadda ah wato ay tahay mid looga gol leeyahay in lagu horumariyo saxaafadda, laakin marka laga hadlayo ku shaqeynta mihnadda ay ka duwan tahay arrintu.

Waxaa uu ku dooday in saxaafaddu ay xiriir la leedahay xuquuqda aasaasiga ah ee dadka sida xorriyadda hadalka. Sidaa darteedna aan qofka lagu xiri karin shuruudo ka joojinaya ama u diidaya xuquuqda aasaasiga ah ee uu leeyahay.

Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka tirsan Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in sharcigan lagu sameyn karo wax ka beddel. Sidoo kale Wasaaradda Warfaafinta waxaa ay sheegtay in Xeer-hoosaad loo sameyn doono xeerkan la ansixiyay, kaas oo fasiri doona ama fududeyn doona qodobbada qaar ee ku jira sharcigaan.

Gabagabo 

Saxaafadda Soomaaliya oo soo martay daruufo adag, waxaa ay hadda maraysaa marxalad tiradeedu ay badan tahay laakiin ay tayadeedu ay yartahay. Waxaa u sii dheer gefefka ka dhaca saxaafadda oo badan iyo aqoonta oo hooseysa maadaama qof kasta uu noqon karo wariye.

Xeerkan saxaafadda waxaa uu meesha ka saarayaa in saxaafad aan xeer lahayn dalka ka shaqeyso taas oo ah wax la isku wada raacsan yahay. Qodobka 35aad ee xeerkan, inkasta oo uu xoojinayo in la helo saxaafad horumarsan oo dadka ka shaqeynaya ay xirfad ahaan iyo cilmi ahaanba dhisan yihiin, haddana waxaa uu dhinaca kale meesha ka saarayaa wariyeyaal badan oo xirfad ahaan iyo khibrad ahaanba ku wanaagsan saxaafadda, muddo dheerna soo shaqeynayay.

Sidaa darteed, waxaa habboon in dib loogu laabto qodobkaas oo ugu yaraan laga dhigo in qofka wariyaha ah laga doonayo shahaaddo jaamacadeed oo noqon karta kulliyad kasta iyo tababar saxaafadeed.

W/Q: Yuusuf Sh Ciise

Yusuf.isse@gmail.com

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19414

Posted by on Jan 13 2016. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented