| | 20 views

Barmuudo.com Faallo:”Been fakatay Run Magaarto………………………..?

ttttttttttttt

Madaxweyne kasta oo yimaaada maalin ay ahaataba waa la badalayaa, sida caadada ah ma jiryo Madaxweyne iska taagnaanaya oo abid isaga jooga  kursiga madaxtinimada, shalay Madaxweynayaashii joogay maanta midna laguma arko masraxa siyaasada, isbadal ayaa mar walba imaanaya, hogaamiye kasta oo la jeclaa haddii uu la yimaado wanag iyo horumar  cadaalad , isbadal sidii loogu sameyn lahaa ayaa dhexda loo xeranayaa sidaa darteed waxaa imanayaa in isbedel lagu sameyo ama xilka laga qaado .

Shardi ma aha Madaxweyne walba in uu dhameeysto sanadaha loo igmaday Hogaaminta Qaranka, suurta gal waxaa ah in la badelo ama uu is casilo . seddex (3) sano ayaa ka soo wareegtay xilligii la doortay Madaxweynaha iminka xafiiska ku sugan , Niyad sami, Kal gacal, Farxad iyo Wanaag ayaa lagu soo dhaweeyay, Xiiso badan ayaa loo qabay imaanshahiisii, waa Aqoonyahan waana Xog-ogaal aan la gaadi Karin isla markaana deg-deg u abuuri kara horumar ayaa IIDHEH looga  toddobaadyadiii ugu horeeyay ee doorashadiisa. hadana  wax qabad balaraan oo la taaban karo ayuu qabtay madaxweynaha  iminka talada haya.

Bilowgii Madaxweynaha dalka  waxaa laga maqlay khudbado aad u macaan badan, shacbi aan yareyn waxaa soo jiidtay balan qaadyadii la sameeyay, dharaar cad waxaa ummadda horteeda laga shaaciyay:- In Cadaalad loo dhan yahay la heli doono, In la cirib tiri doono Musuq maasuqa, In Sharciga hortiisa loo sinaan doono, In Bulshadu barwaaqo hanan doonto, In Amniga la gaarsiin doono heer lagu kalsoonaan karo, In Baddii la gatay la soo celin doono, In Sharaftii iyo Qaranimadii dhimatay la soo nooleyn doono, In laga fogaan doono waxii khilaaf abuuri kara si loga baaqsado inuu yimaado dib u dhac iyo qodobka ugu weyn oo ahaa Hiigsiga 2016-ka iney Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah,

Been fakatay run ma gaarto sanado ayaa haatan ka soo wareegtay horumarkii lagaray kaasi oo iminka muuqdo oo lataaban karo sida     ‘horumar  ,  cadaalad,nabad gelyo  iyo xasilooni   .
Cirka kama soo dhicin intaasi oo wax qabad ah   iyo in kale oo ka fara badan balse waxay ka dhalatay Hogaamin wanaagsan una  taagan markasta , si ummadda la bad-baadiyo, Dalkana loogu horseedo horumar, cadaalad ‘

muwaadin walba wuxuu xiisaynayaa sidii uu  isbadal ugu qabsoomi lahaa iyop horumar sida loo gaari lahaa , ma yara xusul duubka loogu jiro sidii hogaanka maanta loo mac-salaameyn lahaa, dadaal aan kala go’ lahayn ayaa loogu jiraa sagootintiisa, shirar aan kala joogsi lahayn ayaa soconaya, hadafka guudna wuxuu ku qotomaa sidii Wadanka looga qaban lahaa bohosha uu ku sii dhacayo.

siyaasadda Soomaliya iyo madaxda Caalamka ee sida dhaw ula socota arimaha gayigeena waxay saadaal ku bixiyeen in mustaqbalka siyaasadeed.

Waxaana loobahanyahay  si looga nafiso is jiid-jiidka taagan . si loo helelo marxalad isbedel ah ,

W/D: Wariye ismail abdi ali

Email: ismaaciil226@gmail.com

Barmuudo.com Xafiiska warqabadka muqdisho c/wali xasan maxamud  {tabartooni}

Email: infobarmudo.com

kala so xiriiri: 0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19735

Posted by on Jan 27 2016. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented