| | 26 views

Barmuudo.com shaqsiga ugu saameynta badnaa SANNADKA 2015ka oo Noqday Xil. Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow……..

duhulow_weyn

31 DEC 2015 – Shabakada Barmuudo.com oo kamid ah Shabakada Soomaaliyeed ee sida weyn loo akhristo isla markaana aad u falan-qeysa waxyaabaha hoose ee Warbaahinta caadiga ah aysan soo bandhigin ee ku gadaaman ama ka hooseeya wararka caadiga ah ee Saxaafada tabiso sida Xogaha qarsoon ee Saxaafada kale ka cabsata ayaa sannad kasta waxa ay bixisaa abaal-marin ay siiso qofka ay u aqoonsato inuu yahay qofka sannadkaasi saameynta ku lahaa dalka Soomaaliya dhanka Wanaaga.

Sannadkii tagay ee 2015-ka waxa ay Shabakada Barmuudo.com u aqoonsatay shaqsiga ugu saameynta badan dalka Soomaaliya inuu yahay Wasiir hore ee Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dowlada Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo xiligaan ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya.

duhulow_2015 (1)

Mustaf Dhuxuloow oo ah “AABAHA NAXARIISTA  iyo dalyeerelka danyarta soomaaliyeed” ayaa waxa uu sannadkii tagay ee 2015 aad ugu dhex-muuqday goobaha ay u badan yihiin dadka danyarta ah ee Bulshada Soomaaliyeed kamidka ah kuwaasoo uu Habeen iyo Maalin waqtigiisa iyo lacagtiisa ku bixinayay sidii uu wax ugu qaban lahaa dadkaasi isagoo aan wax taakuleyn ah ka heleyn Hay’ado ama Dowlado intaba oo jeebkiisa oo kaliya la kaashanayay.

Xil. Dhuxuloow waxuu Caruur badan oo Laamiyada Xamar ku dhuuqda Koolo ama Xabag kasoo kaxeeyay kuwaasoo qaarkood xiligaan Waxbarasho ku jira oo iska daayay waxii hore ay ugu jireen taasoo amaaan iyo bogaadin uu ku mudan yahay Xildhibaanka, waxuu sidoo kale Jeebkiisa isagoo aan cidka la kaashan Qaliino qaali ah oo xaga araga ama indhaha ah ugu sameeyay Caruur badan oo araga la’aa kuwaasoo lagu guuleystay xiligaan si caadi ah Waxbarashada ugu mashquulsan.

duhulow_2015 (10)

WAXYAABAHA MUSTAF DHUXULOOW LAGU XASUUSAN DOONO AYAA WAXAA KAMID AH

Xeerkii Saxaafada habkii loo soo diyaariyay oo ay ka wada muuqdan Saxaafadda Madax banaan, aqoonyahano iyo Xukuumadda waxay ahayd mida ugu weyn ee lagu amaanay Mustaf Dhuxulow sida la yaabka leh ee isugu keenay waqtigii uu hayay xilka wasaarada warfaafinta dhinacyadii is diidanaa ee rafaadka laga mari jiray.

Sidoo kala ayuu fursad tababar dibada ah u sameeyey Saxaafada madaxa banaan oo aan wada ognahay in ay dhici jirtay in xukuumadahii ka horeeyey ay doorka siin jireen saxafiyiinta ka shaqeeya warbaahinta dowladda kaliya.

Waxaa uu ahaa marka laga hadlayo waxqabadka Xukuumaddii hore waa Wasiirka kaliya ee la soo hadal qaadi doono maadama waxqabadkiisa dadweynaha Soomaaliyed si weyn u xusuustay marqaatina ka yihiin wixii uu qabtay.

Toddobaad kasta waxaa uu Wasiir Mustaf Dhuxulow soo bandhigi jiray waxqabadka dowladda ilaa iyo madaxtooyada waxay ahayd wax aan horey looga baran Xukuumadihii dalka iyo shaqsiyaadkii soo qabtay Jagada Wasaarada Warfaafinta, barnaamijkan ayay dadka ugu magac dareen muraayada laga arko waxqabadka dowladda ee todobaad kasta,

Haddii ay dhacday in Wasiirka uu ka soo dhalaalay doorkii wasaaradiisa waxaa jirtay in dadaalo xoogan uu ka galay dhanka arrimaha bulshada, gaar ahaan dhinaca bani’aadanimada, wasiir dhuxuloow markii laga qaaday xilka wasaarada howshiisa intaas kuma hakan ee meeshiisa ayuu ka sii waday waxaa uu isu xil-qaamay wax u qabadka dadka danta yar oo sanadihii la soo dhaafay ku soo badanaayay magaalada Muqdisho, isagoo indhaha dowladda ku soo jeediyay dadka jilicsan ee bulshada ku dhex jira, waxaana uu dadka hilmaamsiiyay gacantii laga sugi jiray hey’adaha sama falka iyo kuwa gar gaarka bani’aadanimada bixiya.

Xildhibaan Dhuxulow intii uu ahaa wasiirka warfaafinta waxa u bishii barakeysaneyd ee Ramadaan la afuray dad barakacayaal oo ku noolaa Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho isagoo maalintaa Anfuriyey qoysaskii ku noolaa Kaamka Boondheere, waxayna aheyd arrin dad badan soo jiidatay.

Xil. Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa mooday inuu buuxiyey doorkii wasaaradihii adeega bulshada u xilsaarnaa waxaana dhaq dhaqaaqa xoogan iyo firfiircoonaanta uu la yimid xildhibaanka ay ka yeeshay in masuuliyiin badan ay howl maalmeedkooda ay ku daraan u adeegida dadka danta yar.

Dadaalka xildhibaanka  ayaa ah mid ku dayasho mudan isagoo indhaha Dowlada ku soo jeediyey wax u qabadka dadka danta yar ee masiibooyinka rabaaniga heystay isagoo hormuud ahaa baaqii Dowlada ay dalalka dibada kaga codsaday in wax loo qabto caruur isku dhegnaa oo hablo ahaa kuwaa oo ku dhashay magaalada Muqdisho

Waxyaabihii soo jiitay dadka Soomaaliyed oo indhahooda qabtay waxaa ka mid ahaa markii Wasiirkii hore ee Warfaafinta Mustaf Dhuxulow booqasho naxariis leh ugu tagay 28 July 2014 Caruurta Barakacayaasha oo uu farxada ciida la qaatay, iyo Labo Caruur oo isku dheganaa oo Xildhibaanka ku booqday Isbitaal ku yaal Xaafada Suuq Bacaad ee Magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa wasiirkii u horeeyay ee ku baaqay in caruurtan dibada caafimaad loogu qaado.

Waxaa lagu xusuusan doonaan sanadkii hore barnaamijkii Dib u soo nooleyntii Hidaha iyo dhaqanka oo ilaa iyo Madaxweynaha uu ka qeybgalay waxayna ka mid aheyd waxqabadkii Wasiirka hore ee  Warfaafinta Mustaf Dhuxulow uu la yimid

Tartan Faneed loo qabtay fanaaniin hada soo baxaysa oo laga dhex helay fanaaniin yar yar oo dalka u leh mustaqbal, isla markaana helay fursad ay masraxa kaga soo muuqdaan.

Waxyaabaha lama ilaabaanka ah ayaa ka mid ah sida mar walba xildhibanka ugu dhex jiro bulshada dhexdeeda, isagoo ahaa wasiirka kaliya ee baahiyaha bulshada ka war qabanay, isla markaana dareen gaar ah u lahaa.

Waxyaabaha lagu xusuusan doono sanadkii hore ayaa waxaa ka mid ah booqashadii Wariyeyaal dhowr ah oo Muqdisho ku dhaawacmay, iyo sida uu had iyo jeer xaaladooda uga war qabay, waana wax uu uga duwanaa wasiiradii horay u soo maray Wasaarada, waa loo gartay inuu yahay saaxibka joogtada ee bahda saxaafada.

Waxaa uu qabtay Munaasabad baroor diiq ah oo lagu xusuusanayay wariyeyaashii lagu dilay Soomaaliya sideedii sano ee u dambeysay, waxayna munaasabadan aheyd mid dad badan oo waayo kala maqnaa isu keentay, laguna xusuusto waayihii dadkii udub dhexaadka u ahaa saxaafada Soomaaliya oo iyagoo howl maalmeedkooda ku guda jiray la dilay.

Mr. Dhuxulow ayaa lagu xusuustaa kaalintii is dhex galka bulshada iyo socdaalkiisa nabada Muqdisho oo uu ku dhiira gelinayay, isagoo gaari ku dhex mushaaxayay magaalada habeen iyo maalin, kormeerkiisa goobaha bulshada, sida xeebta liido iyo goobaha kale ee ay dadka isugu yimaadaan.

Waxaa uu fursado u siiyay dhalinyarada barnaamijyo doodo ka baxayay raadiyaha iyo telefishinka, arrimaha is dhex galka bulshada iyo barnaamijyo kale oo aan la soo koobi karin oo uu qeyb lixaad leh ka qaatay sida Fanka oo kale oo uu mar walba dhiira gelin jiray intii uu xilka hayey iyo ita uusan xilka haayinba

Waxaa ugu dambeysay 3-dii bishan janaayo ee sanadka 2015 oo uu Wasiirkii hore ahna hada xildhibaanka barlamanka Dhuxulow uu sameeyay arrin layaab aheyd, markii ardayda araga la’a oo uu qado sharaf ugu sameeyay xeebta Liido, maalin dhana la qaatay farxad iyo damaashaad.

Isku soo wada duubow xildhibaan Mustafe Sheekh Cali Dhuhulow waa halyey ay shacabka u baahan yihiin sidoo kalana waa Shaqsi firfircoon diyaarna u ah adeegida shacabkiisa, isagoo mar walba ka war-qaba baahiyahooda, isla markaana aanan sugin inta hey’ad sama fal raashin ama deeq ka gaarsiinayaan, waa u iftiimiyaha halka hey’adaha sama falka gar-gaarka ka baxshaan iyo dadka Soomaaliyeed ee uu Alle wax siiyay.

“Sidaad u jeedaan waxaa qalliinka lagu hormariyay Cabdiraxmaan Jeylaani Mayee oo 15 jir ah, waxaa la qalay shalay Alxamdulillaah, waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socda uu araggiisa si buuxda ah u helo”. ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxulow.

Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gacan ka geystay indho fiiqis loo sameeyay wiil lagu magacaabo C/raxmaan Jeylaani oo muddo 15-sano ah araga la’aa.

Si kastaba ha ahaatee masuul kasta waxaa xusi doonto taarikhda warbixintaan aan qoray waxaa igu dhalisay markaan arkay hoosha baaxada weyn ee Xil. Dhuxulow u hayo bulshada

WD: Suxufi ismaaciill cabdi ali 

Email: ismaaciil226@gmail.com

duhulow_2015 (4)duhulow_2015 (5)duhulow_2015 (6)duhulow_2015 (7)duhulow_2015 (8)duhulow_2015 (9)duhulow_2015 (10)duhulow_2015 (11)duhulow_2015 (12)duhulow_2015 (14)duhulow_2015 (15)duhulow_2015 (16)duhulow_2015 (17)duhulow_2015 (18)duhulow_2015 (19)duhulow_2015 (20)duhulow_2015 (21)duhulow_2015 (22)duhulow_2015 (23)duhulow_2015 (24)duhulow_2015 (25)duhulow_2015 (26)duhulow_2015 (28)

?????????????????????????????????????????????????????????

duhulow_2015 (30)duhulow_2015 (31)duhulow_2015 (32)

?????????????

duhulow_2015 (34)duhulow_2015 (35)duhulow_2015 (36)duhulow_2015 (37)duhulow_2015 (38)duhulow_2015 (39)duhulow_2015 (40)duhulow_2015 (41)duhulow_2015 (42)duhulow_2015 (43)duhulow_2015 (44)duhulow_2015 (45)duhulow_2015 (46)duhulow_2015 (47)

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19721

Posted by on Jan 27 2016. Filed under Faallo, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented