| | 0 views

Barmuudo.com Axmed Madoobe Oo Ku Dhawaaqay Howlgallo Ka Dhan Ah Al Shabaab

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe) oo warbaahinta kula hadlay deegaanka Buulogaduud ee duleedka Kismaayo ayaa daboolka ka qaaday in ay sii socon doonaan dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa tibaaxay in wax saameyn ah aysan ku yeelan doonin howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ka bixitaanka Ciidanka  Kenya ee deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo.

“  howlgalladaan aan Al Shabaab deegaanadeenna kaga sifeyneyno waxaa si wada jir ah uga wada qeyb qaadanaya Ciidankeenna iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ururka Al Shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegay deegaanno iyo degmooyin  Ciidanka Kenya ay baneeyeen.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya xilli dalka uu u diyaar garoobayo doorasho xor ah oo lagu soo doorto dowladda mida hada bedeleyso.

Jubbooyinka ayaa lagu tiriyaa  meelaha ay ugu xoogan yihiin Ururka Al Shabaab islamarkaana ay ka soo abaabulaan kana fuliyaan weeraradooda.

Si kastaba lama oga waxa ay soo kordhin doonaan howlgallada Madaxweynaha maamulka Jubbaland uu ku dhawaaqay.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19851

Posted by on Jan 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented