| | 0 views

Barmuudo.com Ciidamada DF Oo Howlgallo Amniga Lagu xaqiijinayo Ka wada Baardheere.

Ku dhawaad 30 qof ayaa lagu soo qab qabtay howlgallo laga sameeyay Magaalada Baardheere oo la sheegay in nabad gelyada Magaaladaas lagu xaqiijinayo.

Dadka howlgallada lagu qab qabtay ayaa la tuhunsan yahay in ay qeyb ka yihiin falalka amni darri degmadaasi Baardheere.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa tibaaxay in ay sii socon doonan howlgalladani inta laga sugayo nabad gelyada degmadaas iyadoo ay tilmaameen in maalmihii la soo dhaafay ay jireen caqabado xagga amniga ah oo ka taagneed degmadaas.

Baardheere ayaa ka mid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee lagala wareegay Ururka Al Shabaab walow weli ay ka dhacaan weeraro ay iyagu  geystaan.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheega in saameyn ba’an ay ku yeelato xilliyada howlgallada iyadoo dad la qab qabto ay tilmaameen in ay u badan yihiin rayid aan waxba galabsan.

Dadka lagu soo qab qabtay howlgallada ayaa la geeyay Saldhiga degmada Baardheere halkaas oo lagu baarayo.

Howlgalladaan ayaa ku soo beegmaya kadib habeen ka hor markii Magaalada lagu dhaawacay guddoomiyaha Maxakamdda Magaalada Baardheere kadib weerar ay dableey ku qaadeen.

 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19841

Posted by on Jan 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented