| | 1 views

Barmuudo.com Qoysaska Kenya Oo weli Codsanaya in Dowladda Ay Soo Gudbiso Liiska Askarta Geeriyootay

Qaar ka mid ah Qoysaska ay dadkooda ku maqan yihiin weerarkii Al Shabaab ay labo todobaad ka hor ku qaadeen deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo ayaa ka codsaday in ay soo sheegaan halka ay ku dambeeyeen dadkoodi.

Dadka deegaanka Bomet ee dalka Kenya oo sheegay in wiilashoodi aysan faro ku hayn ayaa dowlada ka dalbaday in soo gudbiyaan tirada dhabta ah ciidamada Kenya kaga dhintay weerarkii Ceelcade iyo waliba kuwa kale ay qafaasheen.

Qoysaska deegaanka Bomet ayaa qaarkood xusay in dadkooda ku maqan yihiin weerarkii lala beegsaday ciidamada Kenya.

Dowladda Kenya ayaa hore u balan qaaday in ay soo gudbin doonta liiska rasmiga ah ee askarta ka geeriyootay ama ka  maqan balse ilaa hada ma jirto liis rasmi ah oo ay soo gudbiyeen saraakiisha ciidamada Milateriga ee dalka Kenya.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19853

Posted by on Jan 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented