| | 2 views

Barmuudo.com Sawirro Madaxweynaha Galmudug oo Shaaciyay cida gaartay Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisu ay taageersanyihin go’aanadii ka soo baxay shirka Madasha wadatashiga Qaran, mar uu warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Mudane Cabdikariin oo ka hadlay aragtidooda maamul ahaan ay ka qabaan go’aanka laga gaaray qaabka ay noqonayso doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkan ayaa sheegay in Madaxda dowlad goboleedyada ay isku aragti ka noqon waayeen hanaanka doorasho ee dalka, balse dowladda Federaalka ah ay gaartay go’aan , kaasi oo ay beesha caalamka ku taageereen.

“Waxaa nasiib darro ahayd in madaxda maamul goboleedyadu ku heshiin waayaan qaabka ay doorashadu noqonayso, taasina ay sababto in dawlada dhexe go’aan qaadato beesha caalamkuna ku raacdo, waa go’aan lama dhaafaan ah waaana soo dhaweyneynaa kan maamul ahaan” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Mar hadii Go’aan la gaaray ayuu sheegay Madaxwanaha Galmudug in talaabada furani ay tahay in la dhaqangeliyo oo bulshada laga dhaadhiciyo si gaabis kale looga baaqsado, dhinacoodana ay qabanayaan kulamo wadatashi ah oo dadwaynaha looga dhaadhicinayo inay qaabkaasi doorasho u diyaar garoobaan.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa hadalkaan sheegay xilli shalay gelinkii dambe uu dib ugu laabtay magaalada Cadaado.




 

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19844

Posted by on Jan 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented