| | 0 views

Barmuudo.com XOG: Dowlada Kenya oo Tuhunsan Ciidankii Dowlada Soomaaliya………..

Baarayaal ay Dowlada Kenya u xil saartay Weerarkii Qasaaraha badnaa ee ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo, ayaa ku tuhunsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ee ku sugnaa deegaankaasi in ay wax ka ogaayeen weerarkii dhacay.

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in baaritaano lagu sameenayo sababta ka dambeysay in Ciidankii Dowlada Soomaaliya ay ka baxaan deegaanka Ceel Cadde kahor inta aanan la weerarin xeradii ciidanka Kenya ay kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Guddiga baaritaanka ay u xilsaartay Dowlada Kenya ayaa sheegay in Saraakiisha ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo askartooda ay ka baxeen qeybtii ay ka degnaayeen xerada la weeraray iyaga oon ku wargalin saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugnaa xeradaasi.

Baarayaasha loo xil saaray weerarkan ayaa sidoo kale dabagal ku sameenaya isgaarsiintii ugu dambeysay ay kuwada xariireen saraakiisha ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa milatariga Kenya ee ku sugnaa xerada Ceel Cadde iyo waliba sababta mashquulka ka dhigay isaarsiinta xeradaasi.

Guddiga Baarayaasha ayaa tuhunsan in saraakiisha ciidanka Dowlada Soomaaliya ay ugu yarana wax ka ogaayeen weerarkaasi, waxa ayna isweediinayaan sababta ay Dowlada Soomaaliya ay tilabao uga qaadi weysay saraakiishii ciidanka Dowlada ee ku sugnaa deegaanka Ceel Cadde.

Dowlada Kenya Guddiga ay u xil saartay Baaritaanada Weerarkii Ceel Cadde ayaa horey ugu eedeeyay Beesha Degta Gobolka Gedo in ay ku lug laheed weerarkii askarta badan looga dilay ee 15-kii bishan ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.

Short URL: http://barmuudo.com/?p=19837

Posted by on Jan 31 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented