Home » January 30th, 2016 Entries posted on “January, 2016”

Barmuudo.com Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Addis Ababa

Shir madaxeedka 26aad ee Madaxda Midowga Afrika ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ajandayaasha shirka looga hadlayo ay mid yihiin colaada ka taagan dalalka Burundi iyo Koofurta Sudan. Furitaanka shirka ayaa waxaa ka hadashay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Dr, Dlamini Zuma oo ugu horeyn u tacsiyadeysay Askarta Nabad Ilaalinta ee Midowga […]

January 30th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo difaacay go’aanadi ka soo baxay Madasha Wadatashiga Qaran

Kadib marki ay qaadaceen maamulada Puntland iyo Somaliland go,aanki kasoo baxay shirki madasha wadatashiga qaran ee ahaa in habka lagu soo dhisayo dowlada soo aadan ee Soomaaliya sanadkan 2016 noqon doono nidaamka 4.5, ayaa marki ugu horeeysay waxaa arrintaasi difaacay Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid. Wareysi uu siiyey saakay Laanta Af Soomaaliga ee VOA, ayuu Md. Cumar […]

January 30th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka 26aad ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinimadii shalay ka degay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo uu kaga qeybgeli doono Shir MadaxeedkII 26-aad ee Midowga Afrika. Shir Madaxeedka Midowga Afrika ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu soo qaadi doono waxaa ka mid ah colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan. Madaxa Guddiga Sare […]

January 30th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaano hoostaga G/Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal xoogan oo maanta ka dhacay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Somaliya kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Alshabaab. Dagaalka oo ahaa mid dhoor saac qaatay ayaa waxa uu bilowday kadib markii ciidamada Dowladda ay qaadeen howlgal ka dhan ah Al-shabaab kuwaasi oo weeraro la beegsaday […]

January 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Qaraxyo iyo rasaas lagu weeraray Masaajid kuyaala Boqortooyada Sacuudiga

Waxaa goordhaw qaraxyo xoogan iyo rasaas toos ah lagu weeraray masaajid ay ku dukadaan dadka shiicada oo kuyaala magaalada Maxasen ee gobalka Al-Ahsa ee Bariga Boqortooyada Sucuudiga. Qarax xoogan ayaa lagu weeraray masaajid lagu magcaabo Imam Rida, waxaan qarax kadib la maqlay rasaas xoogan ay furayeen dabley hubeesan oo iyana weerar ku qaaday dhismaha masaajidka. […]

January 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Ciidamada Nabadsugida oo howlgal ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho……..

Ciidamada Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa howl gal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, waxaana howl galkan inta uu socday lagu dilay hal ruux. Wararka qaar ayaa sheegaya in howl galka lagu qabtay rag lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halka ruux kale oo diiday inuu is dhiibay uu rasaas […]

January 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Faroole “Beesha Caalamka Waa in ay faraha ha kala baxaan arrimaha Soomaaliya”

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka soo hor-jeestay heshiiskii lagu go’aamiyay nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici doonta 2016, isagoo ku taageeray mowqifka Puntland ku diiday go’aankii ka soo baxay shirkii Madasha wada tashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho. Faroole oo wariyeyaasha kula hadlayay Garowe ayaa ka sheekeeyay qaabkii looga […]

January 29th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Halkan ka Aqriso “Hanaanka doorasho ee lagu heshiiyay iyo qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka iyo aqalka sare

Iyadoo la raacayo Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar, geeddi-socodka doorashada ee sannadka 2016 wuxuu ka koobnaan doonaa sameynta Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka labadaba. Guud ahaan metelaadda xubnaha Baarlamaanka waxay ku saleysnaan doontaa isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha. AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA: • Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay noqonaysaa 275. • […]

January 28th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com Adeega Internetka ee Muqdisho oo culees aan horey loogu aqoon uu lasoo darsay

Dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe helayay adeeg Internet oo aad u deg deg badan , hasa ahaatee dadka iyo Internetka ayaa maalmahan noqdya kuwa iska hor yimid oo is nacay. Shirkadaha Internetka ee ka jira Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa lasoo darsay culees aan horey loogu aqoon, walina si dhab ah […]

January 28th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

Barmuudo.com War deg deg ah: Sudan oo fureyso xadka ay la wadaagto South Sudan………..

Wararka ka imanayaa  dalka sudaan ayaa waxa ay shegayaan in Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir uu amar ku bixiyey in la furo xadka uu dalkiisu la wadaago South Sudan, kaasoo xirnaa tan iyo sanadki 2011.   Tallaabadani ayaa imaaneyso maalmo kadib marki ay dowlada tabarta daran ee South Sudan ku dhawaaqday in ay ciidankeedu kala soo […]

January 28th, 2016 | Posted in Wararka | Read More »

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented