| | 1 views

Barmuudo.com , Man City Oo Qaaday Koobka Capital One…..

Liverpool ayaa ciyaarta ku biloowday dar dar inkastoo halis gilin aysan sameyn xilli City ku qaadan wax badan in jawiga ciyaarta la qabsadaan, waxa ayna labada koox ciyaareen finalka Capital One-ka oo ka dhacay garoonka Wembley

Loolanka labaad koox ayaa ka taagnaa qadka dhexe xilli cadaadis iyo halis gilin ay ku sareysay kooxda Man City .

Taageerayaasha Liverpool ayaa aad ugu orinayay xiddigoodii hore ee Raheem kulammaa uu kubadda qabsado.

Xilli Liverpool isku dayo sameyneyeen ayay daqiiqaddii 22-aad waxa ay si cajiib ah uga bad baadeen gool cajiib noqon lahaa , ka dib markii uu Aguero uu u gooyay laba daafac ayuu kubadda ku laaday goosha Liverpool balse goolhayaha ayaa bad baadiyay ka dibna birta ayay ku sii dhacday

Daqiiqaddii 25-aad waxa ay Liverpool badaleen Mamadou Sakho maadaama uu dhaawac ka sheeganayay waxaana la soo giliyay Kolo Toure ka dib markii madax jug ka gaartay xilligaas oo ay isku dhaceen saaixbkiisa Emre Can balse xanaaq ayuu muujiyay markii la badalay

Labada koox ayaa sameeynayay weerar iyo weerar celis inkastoo aysan si sax ah uga faa`ideysan abuuridda fursadahaas

Dhamaadkii Liverpool ayaa cadaadis badneyd Milner ayaana hogaaminayay balse ma helin fursad xaqiiq oo ay gool ku dhaliyaan halka City ku tiirsanayaayeen kubadaha rogaal celiska ah , waxaana nasiinada lagu aaday bar bar dhac bilaa goolal ah

City soo laabshadii gool ayay heleen ka dib kubad uu soo qajafeeyay ayaa waxa helay Aguero kaasi oo u sii baasay Fernandinho oo ku laaday goosha Liverpool daqiiqaddii 49-aad xilli goolkaas uu yimid waqti Liverpool ay kubadda ay haysteen

Inkastoo Liverpool lagu lahaa gool hadana ma aysan niyad jabin oo kubadda waa ay la qeybsadeen Liverpool waxaana dadala weaday Milner oo goolka bar bar dhaca raadinayay
Liverpool deg degsiimo ayay ku daaliyeen City waxaana ka go`neyd goolka bar bar dhaca oo City waxa ay u muuqdeen kuwo difaac galay waxaana Mna City gool xaqiiq ahaa ka qasaariyay Raheem xilli uu hor taagnaa goolhayaha Liverpol ka dib baas uu ka helay Silva waxa uuna marsiiyay gees

City daqiiqaddii 61-aad rigoore sax aheyd ayaa laga diiday ka dib markii Moreno uu Agiuero ku jibiyay qadka rigfoorada xilli labadooda ahayeen , waxa ayan Liverpool sameynayeen isku dayo kala duwan waxa ayna u dhawaayeen in ay keenaan goolka bar bar dhaca .

City waxaa fursado ka qasaariyay Raheem , waxa ayna dhamaadkii Liverpool sameeyeen badal iyaga boo soo giliyay Adam Lallana iyo Divock Origi waxa uuna badalkaas yimid daqiiqadii 80-aad
Badalkaas gool ayaa ku yimid waxaana Liverpool u dhaliyay Philippe Coutinho daqiiqaddii 83-aad ka dib kubad birta ku dhacday ayuu ku laaday goosah City

Ka dib dhacdadaas City waxa ay iska qasaariyeen fursado waliba waxaa nasiibka u diidya Fernandinho , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay min hal gool waxaana lagu daray waqti dheeri
Soo gilitaankii qeybta koowaad ee waqtiga dheeriga Man City waxa ay soo giliyeen Kolorov oo loo badalay Sagna halka Jesus Navas uu badalay Fernando oo dadaal muujiyay ciyaartaan

Labada koox qeybtii hore waxa ay u muuqdeen kuwo kala baqaya oo dareensan in bar bar dhac la helo ay adkaaneyso sahalna ay tahay in rigoorayaal la aado inakstoo City ay fursado badneyd
Goolhayaha ayaa bad badiyay Liverpool oo laba gool oo xaqiiq ayuu dirqi shabaqiisa uga bad badiyay waxaana nasiinada lagu aaday min halkaas gool.

Qeybta labaad ee waqtiga dheeriga ciyaarta wa walatay Liverpool ayaan gool xaqiiq aha lag bad baadiyay Caballero ayaana si la aaminin karin u bad baadiyay waxaana Liverpool dadaalka u waday Milner , halka City iyana fisrad iska cuneen waxa ayna City soo giliyeen Wilfried Bony oo loo badalay Silva daqiiqaddii 110-aad

Si waliba oo ay labada koox u dadaaleen waxa ay ku dhameysteen bar bar dhac min hal gool ah waxaana ka dib 120 daqiiqo oo la ciyaaray waxa ay aadeen rigoore tuurasho

Liverpool ayaa hor tuuratay rigoorada waxaana u laaday Emre Can waa uuna dhaliyay halka City uu u laaday isna darbada koowaad Fernandinho waana laga qabtay halka Livewrpool darabadi labaad laga qabtay Lucas Lieva waxaana City darbada labaad u laaday Nevas waa uuna dhaliyay halka darabadii sedexaad ee Liverpoonna laag qabtay Philippe Coutinho.

Barmuudo.com Xafiiska warqabadka muqdisho c/wali xasan maxamud  {tabartooni}

Email: infobarmudo.com

kala so xiriiri: 0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=20507

Posted by on Feb 28 2016. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented