| | 4 views

Barmuudo.com Man United Ah Oo Guul Darro Qoorta U Soo Giliyay Arsenal , 3/2 Ayaa Lagu Soo Diray….

Labada koox ayaa ku soo galay ciyaarta iyaga oo ay ka go`an tahay in ay soo bandhigaan kulan xiiso

Arsenal ayaa biloowgii ku dhawaatay gool daqiiqaddii 7-aad balse De Gea ayaa ka hor istaagay in Monreal uu gool dhaliyo

Ciyaarta ayaa aheyd mid deg degsiimo leh waxa ayna labada dhinac u nuglaayeen gool inkastoo United ay halis badneyd

United oo goosha Arsenal si sax ah u tageysay ayaa heshay gool daqiiqaddii 27-aad waxaana u dhaliyay xiddiga da`da yar ee Marcus Rashford kaasi oo kooxda labaad laga keenay
Waxa uu ka faa`ideystay qalad ka dhacay Gabriel Paulista iyadoo sedex daqiiqo ka dib uu keenay gool labaad oo madaxa ah isla markaana uu ka muuqday qalad kale oo daafaca ah .

Ka dib labadaas gool United kubad waali ah ayay ciyaarayeen waxa ayna baadi goobayeen mid sedexaad balse Arsenal ayaa dhamaadkii heshay gool uu u dhaliyay Welbeck ka dib kubad Free Kick aheyd ee uu qaaday Ozil waxa uuna yimid goolkaas daqiiqaddii 40-aad
United waxaa kulankaan wacdaro dhigay Juan Mata iyo Jesse Lingard , waxaana Arsenal; looga fiicnaa habeynta kubadd halka ay ku adkeyd in weerarka gadaal dambe ka soo dhisaan

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Marcus Rashford uu United u saftay xilli ciyaareedkaan laba kulan halka uu dhaliyay 4 gool.

Biloowgii soo laabashadii Arsenal ayaa sameyneysay baasas gaagaban waxa ayna isku dayayeen in goolka bar bar dhaca waqti hore keenaan balse daafac ayay wajahayeen
United daqiiqaddii 55-aad waxa ay badaleen Marcos Rojo halka la soo giliyay Timothy Fosu-Mensah waxa ayna United ka dib sameeyeen isku dayo kala duwan

Arsenal si xaaladda wax uga badalaan waxa ay soo giliyeen Olivier Giroud iyadoo daqiiqaddii 63-aad loo badalalay Walcott ,.

Balse inta uusan jawiga la qabsan ayaa Arsenal loogu daray gool 3-aad waxaana ka dhaliyay Harerra kaasi oo caawin ka helay Laurent Koscielny oo kuabd gooshooda lagu laaday ku si dhaliyay xabadka

Ka dib goolkaas Arsenal waa la ciqaabay guud ahaan qadka dhexe ayaa laga haystay halka looga fiicnaa habeynta kubadda balse kuabd rogaal celis ah oo ay heleen gool labaad ku heleen Arsenal waxaan u dhaliyay Ozil daqiiqaddii 69-aad

Arsenal oo daqiiqaddii 70-aad soo gilisay Elneny oo loo badalay Francis Coquelin ayaa ciyaarta waxa ay sii yeelatay xamaasad is qab qabsi labada dhinac ah illaa garsoorayaaha ah aya ajirtay

Arsenal oo gool raadis aheyd ayay United iyana dhankooda soo giliyeen Adnan Januzaj oo daqiiqaddii 80-aad loo badalay Marcus Rashford waxa ayan ciyaarat u muuqatay in dhamaadkii ay imaaneyso gool.

Danny Welbeck ayaa la badalay daqiiqaddii 83-aad halka la soo giliyay Alex Iwobi balse waxaa adkeyd in si sax u tagaan goosha United maadaama daafac adag ay wajaheen, waxana xusid mudan in Arsenal si wlaiab oo ay dadaal u sameeyeen in aysan helin goolka bar bar dhaca , waana guul daraddii labaad o siku xigta oo ay la kulmaan ka dib kalankii Champion-ka ee ay ku hor kufeen Barcelona.

Barmuudo.com Xafiiska warqabadka muqdisho c/wali xasan maxamud  {tabartooni}

Email: infobarmudo.com

kala so xiriiri: 0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=20514

Posted by on Feb 28 2016. Filed under Ciyaaraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented