| | 2 views

Barmuudo.com XOG: Dowladda Kenya oo soo iibsaneyso diyaaradaha Drones-ka …. maxatay tahay sababtaasi..?

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay soo iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee wax basaasa ee loo yaqaan drones-ka, kuwaasoo magacooda la yiraahdo Boeing Scan Eagle.

Shaqooyinka ugu waaweyn ee ay qabanayaan waxa weeye in ay soo basaasaan oo ay soo ishaafalateeyaan bartilmaameedyo mucayin oo ay Shabaabku leeyihiin iyo ilaalinta dhaqdhaqaaqyada xuduudda gaar ahaan tan Kenya ay la wadaagto Somalia .

Dhererka baalasha Scan eagles qiyaastii waa 3.1 mitir laakiin dhererkeeda caadiga ah intaa wuu ka gaaban yahay oo waa 1.19 mitir, sidoo kale waxaa uu culeyskeeda la eg yahay 18 KG oo kaliya, Xawaaraha orodkeedu waa 150 KM saacadiiba .

Drones-ka Scan eagle waxa ay hawada ku jiri kartaa oo ay duulimaad toos ah sameyn kartaa 20 saacadood, joogga sare kolka ay ku duuleyso waxa ay gaari kartaa 4876 mitir.

Waxaa sidoo kale diyaardan ku xiran kamarooyin duuba muuqaal sare oo tayo leh habeen iyo maalinba.

Meelaha drones-kan horey looga adeegsaday waxaaa ka mid ah dalka Chad oo ciidamada Ameerikaanku ay u adeegsadeen in ay ku ogaadaan goobihii ay Boko Xaraam ku ku heysteen gabdho badan oo ay ka afduubeen Nigeria . Saldhigga joogtada ah ee ugu weyn ee uu Mareykanku ku leeyahay qaaradda Afrika ee lagu magacaabo Camp Lemonier oo ku yaalla Djibouti waxaa diyaaradaha drones bil kaliya ay fuliyeen 250 jeer oo duqeyn cirka ah oo ay ku qaadeen Alqaacidda iyo Alshabaab.

Diyaaradaha drones-ka ee ay Kenya soo iibsaneyso waxaa la filayaa in ay ugu danbeyn yimaadaan bisha September .Kenya iyo Cameroon ayaa ah wadamada kaliya ee dalbaday Scan Eagles-ka.

Mareynkanka ayaa si weyn ugu isticmaalay diyaardaha Drones-ka Soomaaliya tan iyo soo bixitaankii Maxkamadihii Islaamiga waxana ay horey ugu adeegsadeen dilalka hogaamiyayaal ka tirsan Alshabaab.

Barmuudo.com Xafiiska warqabadka muqdisho c/wali xasan maxamud  {tabartooni}

Email: infobarmudo.com

kala so xiriiri: 0615749191

Short URL: http://barmuudo.com/?p=20503

Posted by on Feb 28 2016. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]

Recently Commented